U bood dhigaalka

Goobaha Ganacsiga Degmada Guriceel Oo Maanta Xiran

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in guud ahaan ay xiran yihiin xarumihii ganacsiga ee degmadaasi.

Ganacsatada ayaa diidey qaadashada lacagta shilin Soomaaliga kadib markii la sheegay in degmadaasi lagu arkay lacago shilin Soomaali oo been abuur ah.

Kaliya waxa furan suuqyada qudaarta iyo hilibka ee degmada Guriceel, lamana qaadanayo lacagta shilin Soomaaliga ah.

Wariyaheenna Galgaduud, Ibraahim Xaashi ayaa soo sheegaya in ciidamada Ahlu-sunna ay billaabeen howlgallo ay ku xirxirayaan ganacsatada degmada Guriceel, maadaama ay diideen qaadashada lacagta shilin Soomaaliga.

Ganacsato caan ka ah degmadaasi ayaa la xiray, kuwaasi oo loo qaaday dhanka degmada Dhuusamareeb oo ah xarunta ugu weyn ee Ahlu-sunna.

Saameyn badan ayeey dadka ku yeelatay diidmada lacagta shilin Soomaaliga ah, waxaana ganacsatadu ay dalbanayaan in wax looga iibsado lacagta doolarka.

Goobjoog News