U bood dhigaalka

Google oo Kaala Qeybqaadanaya Helitaanka Shaqada aad Rabto

Shrikadda Google ayaa Talaadadii lasoo dhaafay hawada ku soo daysay barnaamij cusub oo laga heli karo barteeda kaas oo fududaynaya shaqo raadinta dadka u baahan shaqooyinka cusub ee suuqa yaalla.

Google ayaa barnaamijkiisan cusub uga golleh inuu kula tartamo baraha ugu waaweyn ee shaqadoonka aadduunka oo uu ka mid yahay “Linkedln, “Monster” iyo Facebook.

Barnaamijkan cusub ayaa hadda waxaa lagu soo saaray luqadda English-ka oo qura waxaanuu ku diyaarsan yahay mobile-lada iyo desktop devices-ka.

Waxaa lagaa doonayaa oo kaliya waa inaan qorto “Shaqooyin ii dhaw” ama “Shaqooyin dhanka maamulka ah”, isla markiiba waxaa kuu soo baxaysa shaqooyinka diyaarka ah ee ay shirkaduhu soo bandhigeen, luqada aad adeegsaneysaa ha noqoto English xilliga barista, google barnaamijkan cusub waxay u adeegasanysaa maskaxda Smarts-ah oo kuu fududeyneysa raadinta shaqada aad dooneyso.

Sida lagu soo qoray barta “TechCrunch‘ waxaad adeegsan kartaa inaad riixda batoonka baraarujinta shaqo kaas oo kuu sahlaya xilli kasta oo shaqo cusub lasoo dalbado inuu farriin ku saabsan shaqadaas uu kuugu soo dirto e-mailkaaga gaarka ah.

Barnaamijkan cusub ayaa lagu wadaa inuu dhawaan noqdo mid diyaar ku ah luqado kala duwan oo dunida ah sida looga bartay Google lagana sugayo.

Goobjoog News