U bood dhigaalka

Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaran Oo Ka Hadlay Dagaallada Ka Socda Gobollada Dalka Qaarkood

Sheeko:Dalka

Guddiga dib u heshiisiinta qaranka ayaa dalbaday in si degdeg ah loo joojiyo dagaal beeleed ka soconaya gobollo badan oo dalka ah sida Sanaag, Sh/dhexe iyo Galgaduud.

Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta qaran Ismaaciil Macallin Muuse oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay waxgaradka deegaannadaasi iyo sidoo kale maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna iney ka qeybqaataan daminta dagaal beeleedyada.

“innagoo xiganeyna lana qeybsaneyna dadka Soomaaliyeed iyo goobaha colaaduhu ka jiraan, waxaan magaca guddiga kusoo jeedineynaa baaq colaad joojin ah, u nasteexeyn ah beelaha Soomaaliyeed eek u didiriraya deegaannada iyo gobollada dalka meello kamid ah iyo guud ahaanba inaan u caqli celinno meelaha colaaduhu ka socdaan, si gaar ah kuwa ugu dambeeyay ee ka socday gobolka Shabellaha dhexe, degmada Cadalle iyo Warsheekh inta u dhaxeysa, runtii dad badanna ku dhinteen, dagaalladaasi oo dhaliyey barakac dad iyo duunyo iyo dhimasho, dhaawac intaba, sidoo kale kuwa hadda ka socda waqooyiga Galgaduud  gaar ahaan degmada Xeraale oo ay ku diririyaan Labada meelba dad walaalo iyo ehel ah oo ka dhaxeeyo xiriir walbo oo Bini’aadan dhexmara oo ah mid dhalasho, dhaqan iyo mid deegaan, waxaan rabaa inaan is xusuusiinno deegaannadaas dagaallada ka soconayaan waa meelihii culimada ugu waaweyn joogi jirtay oo dadka wax ku baran jireen” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaran ayaa ugu baaqay cid walbo oo ku dhow deegaannada lagu dagaallamayo iney kaalin ka qaadato sidii loo heli lahaa xasilooni iyo nabad ku wada noolaansho.

Goobjoog News