U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Jubbaland Oo Maanta Lagu Dhawaaqayo

Sheeko:Dalka

Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose looga dhawaaqo guddiga doorashada ee maamulka KMG ee Jubbaland.

Baarlamaanka Jubbaland ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan uu ku dhawaaqo xubnaha guddigaasi.

Guddigaan la magacaabi doono ayaa la filayaa in ay isku daba ridaan doorashada madaxweynaha Jubbaland oo dhici doonta 15-ka bishaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland ayaa shalay ku dhawaaqay in bartamaha bishaan (15-ka August) la qaban doono doorashada madaxweynaha Jubbaland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News