U bood dhigaalka

Guddiga Gurmadka Qaran Ee Abaaraha Oo Kordhinayo Gargaarka Dadka Abaartu Saameysay

Sheeko:Dalka

Guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha ayaa sheegay iney Labo jibbaarayaan gargaaarka la siinayo dadka ay abaartu saameysay ee ku sugan guud ahaan gobollada dalka.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in maanta oo Isniin ah ay filayaan in xukuumadda ay ku dhowaaqdo iney la wareegtay raashiin gargaar ah oo ka kala yimid Turkiga, Indonesia iyo Imaaraadka oo yaaalla dekadda Muqdisho, kadibna iyaga lagu soo wareejiyo.

Dhammaan maamul goboleedyada ayuu sheegay Sheekha in la gaarsiin doono raashiinkaan si loo siiyo shacabka Soomaaliyeed ee abaaru ku hayso gobollada dalka.

“Waxaa dekadda yaalla raashiin ka kala yimid walaalaha Turkiga, Indonesia iyo Imaaraadka, xukuumadda ayaan ka sugeynaa iney ku dhowaaqdo iney la wareegto, kadibna waxaan annaga ku ku wareejin doonnaa maamul goboleedyada si loo gaarsiiyo dadka ay abaartu haleeshay” ayuu yiri Sheekh Nuur.

Ugu dambeyn Sheekh Nuur ayaa sheegay iney ku dedaali doonaan sidii raashiinka gargaarka ah ay si xoog badan u ilaalin doonaan  si loo gaarsiiyo dadkii loogu talogalay.

Goobjoog News