U bood dhigaalka

Guddiga Joogtada Ah Ee Aqalka Sare Iyo Wafdiga Baarlamaanka Djibouti Oo Kulan Yeeshay

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga joogtada ah ee aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan isbarasho iyo soo dhaweyn ah u sameeyay wafdi ka socda baarlamaanka Djibouti, kulanka  ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) ayaa soo dhaweeyay wafdiga Djibouti, wafdiga ayaa sidoo kale loo xiriiriyay khadka Telefoonka guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo hadda xaalad caafimaad u jooga dalka Turkiga.

Guddoomiyaha baarlamaanka Djibouti Maxamed Cali Xumad oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay sii wadi-doonaan wada shaqeynta ay la leeyihiin goloyaasha baarlamaanka Soomaaliya.

“Kulanka iyo booqashada aad noogu iman-doontaan waxaa ay sii xoojineysaa xiriirka labada dal, golaha shacabka iyo Senatoradana in ay ka wada shaqeeyaan guud ahaan dhismaha iyo midnimada Soomaaliyeed” ayuu yiri Xumad

Qaar ka tirsan Senatarada aqalka sare ayaa sheegay in ay wax lagu farxo tahay booqashadan, iyaga oo intaasi raaciyay in labada gacmood midba mar la barkado.

Maxamed Cali Xumad, Guddoomiyaha baarlamaanka Djibouti waxaa uu khamiisii booqasho ku yimid Muqdisho isaga oo Jimcihii tagay Baladweyn halkaas oo ay joogaan ciidamada Djibouti ee”Hiil-walaal” kuwaas oo ka tirsan AMISOM, waxaa uu sidoo kale la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle halka shalay oo sabti aheyd oo ka hor khudbeeyay golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Goobjoog News