U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Buuloburde Oo Shaqadii Looga Joojiyay Musuq Lagu Eedeeyay

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyahii degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, Xaseey Buulle, kadib markii lagu eedeeyey inuu  ku kacay musuq uu ku sameeyay raashiin gargaar ah.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka Gobolka Hiiraan Axmed Cabdalla Inji oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in shacabka iyo maamulkii kale ee degmadaasi ay caddeeyeen musuqa uu sameeyay guddoomiyaha, sidaasina shaqada looga joojiyey.

Waxa uu sheegay Guddoomiye Inji in ka maamul ahaan sidoo kale ay caddeyn buuxda ku heleen guddoomiyaha, islamarkaana waxyaabaha sidoo kale lagu dhaliilayo ay tahay shaqo xumo iyo boob hantiyeed waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Guddoomiyaha waxa uu sameeyay Musuq, waxaan ka joojinnay shaqadii, waxaan helnay caddeyn ah Boob hantiyeed, shaqo xumo iyo musuqa raashiin gar gaar ah, maamulka iga sarreeya ee Hirshabelle ayaan kala tashan doonnaa waxa laga yeelayo guddoomiyaha, laakiinse aniga waxaan awoodaa inaan shaqada ka joojiyo” ayuu yiri guddoomiye Inji.

Sidoo kale Inji ayaa sheegay in baaritaan dheeraad ah ay ku sameyn doonaan guddoomiyahii degmada Buuloburde, Xaseey Buulle, islamarkaana wixii lagu helo ee dambi ah cadaaladda lala wajahayo.

Degmada Buuloburde ayaa kamid ah meelaha ay sida daran u saameysay abaarta baahsan ee dalka ka jirta iyadoo dadka u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh oo degdeg ah.

Goobjoog News