U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir Oo Maanta Lagu Soo Dhoweeyay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa guddoomiyaha magacaaban kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha cusub oo xilkaan loo magacaabay 6-dii bishan ayaa ku maqnaa markii la magacaabayey dalka dibaddiisa, balse maanta ayuu yimid Muqdisho, wuxuuna dhowaan la wareegi doonaa xilkaasi.

Taabit oo si kooban ula hadlay warbaahinta ayaa u mahadceliyey cid walbo oo soo dhoweysay, wuxuuna sheegay inuu la imaan doono waxqabad muuqda.

Waxa uu guddoomiyaha ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iney kala shaqeeyaan xasilinta iyo amniga guud ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News