U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Oo Ka Qeylo Qaaday abaarta Gobolkaasi

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in xaalad adag ay ka jirto gobolkaasi, islamarkaana dadku u baahan yahay gurmad dhan walbo leh.

Waxa uu tilmaamay in hadda dadku ay u dhimanayaan macluul isaga oo tilmaamay in mas’uuliyadda ay qaadan doonto dowladda Federaalka iyo sidoo kale hay’adaha samofalka ah.

“Halkaan waxaa ka jira xaalad bini’aadannimo, Shan bil baan ka digeynay, haddii arrintaan laga jawaabi waayo waxaa mas’uuliyaddaasi qaadan doona hay’adaha samofalka ah iyo dowladda, awoodeenna mid ka sarreysa ayaa timid, Xamar waxaa lagu hayaa dheel dhoobey, waxaan maqalnay in lacago maamul goboleedyada loo qeybiyey illaa hadda wax ina soo gaaray malahan, guddiga gurmadka lacagtii uu sheegayey Hal doolar kama hayno, waxay xaaladda mareysaa in dadka ay u dhintaan macluul” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Sidoo kale guddoomiye Jeyte ayaa ugu baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo in si gaar ah uu wax uga qabto xaaladda adag ee ka jirta deegaannada gobolka Hiiraan.

“Madaxweyne Farmaajo oo ah shaqsi aan soo wada shaqeynnay, wadanina ah waxaan ugu baaqayaa in arrintaan hoos u eego, oo uu ku dedaallo inuu wax ka qabto dadka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan ku dhibban”

Mar uu guddoomiye Jeyte la hadlayey shacabka iyo ganacsatada Hiiraan ayuu ugu baaqay in si hagar la’aan ah ugu gurmadaan shacabka baahida u dhimanaya, wuxuuna tilmaamay in aanu bakhaar furnaan doonin iyadoo dadku ay baahi u dhimanayaan.

“Lagama yaabo in Bakhaar uu furnaado iyadoo dadkeenna baahi u dhimanayaan, macquul ma ahan in laga sii jeesto shacabka, Bakhaarada quful baan ku xireynaa” ayuu hadalkiisa raaciyey guddoomiyaha.

Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah gobollada dalka ee sida xooggan u saameysay abaarta, iyadoo ay jiraan dad iyo duunyo u dhintay abaartaasi.

Goobjoog News