U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Jalalaqsi Oo Ka Badbaadey Weerar Lagu Qaaday Gaadiid Uu La Socday

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa maanta waxay weerar xooggan ku qaadeen gaadiid uu la socdey guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Maxamed Cabdi xilli uu ka amba baxay degmada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Guddoomiyaha ayaa kusii socday degmada Jalalaqsi, hase ahaatee raggan hubeysan oo  loo maleeyey iney ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa weerarey guddoomiyaha iyo ciidankii la socdey.

Guddoomiye Maxamed oo la hadlay Goobjoog News wuxuu sheegay in uu isaga badqabo, islamarkaana ay dhaawacmeen Labo kamid ah ciidankii isaga ilaalada u ahayd.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha sidoo kale in been abuur ay tahay wararka qaar ee sheegayey inuu isaga dhaawacmay, wuxuuna tilmaamay in xaaladiisa caafimaad ay tahay mid hagaagsan.

“Aniga waan caafimaad qabaa, Labo askari ayaa ku dhaawacantay weerarka, waxaan ka baxnay degmada Jowhar, waxaana kusoo soconnay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaadey guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Goobjoog News