U bood dhigaalka

Guddoomiye Bayle: Doorashada Dib Ugama Dhaceyso Waqtigeeda

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa meesha ka saarey inuu jiro shaki ah in dib u dhac ku yimaado doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo loo ballansan yahay iney dhacdo 8-da bisha soo socota ee February.

Guddoomiyaha guddigaasi Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Bayle oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in jadwalka ay soo saareen uu yahay mid loogu talo galay in doorashada aaney waqtigeeda uga dhicin.

Waxa uu tilmaamay Mr Bayle in doorashada ay horey dib ugu dhacday, maadaama loo balansanaa in ay dhacdo sanadkii 2016, balse hadda ayuu sheegay in waqtigan uu yahay midka kama dambeysta ah ee doorashada madaxweynaha la qabanayo.

“Waa sax doorashada dib ayeey u dhacday, waayo waxaa la sugayey iney dhacdo sanadkii hore ee 2016-ka, waxaajirtey doorashadii baarlamaanka laakiin waxaan kuu sheegayaa in jadwalkani uusan dib u dhaceynin sidiisana loogu dhaqmi doono ilaa waqtiga maalinta doorashada loo mudeeyey” ayuu yiri Bayle.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa la qaban doonaa 8-da bishan, waxaana jira musharraxiin badan oo isku diiwaangeliyey iney xilkaasi u tartamaan.

Goobjoog News