U bood dhigaalka

Guddoomiye Casir Oo Goobjoog Uga Waramay Arrimo La Xiriira Doorashada Galmudug

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug, Cali Gacal Casir oo maanta wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News, ayaa ka hadlay arrimo la xiriira doorashada madaxweynaha Galmudug, khilaaf laga dhex sheegay xildhibaannada baarlamaanka ee maamulkaasi iyo arrimo kale.

Guddoomiye Casir ayaa ugu horreyn waxa uu ka waramay kulan maanta uu baarlamaanka Galmudug ku yeeshay magaalada Cadaado, kaasi oo looga hadlayey arrimo ku aadan dib u habeynta guddiga doorashada ee maamulkaasi.

Waxa uu tilmaamay in la isla fahmay in dib u habeyn lagu sameeyo guddigii jirey ee dorashada, xubnihii ka baxayna boosaskii ay ka tageen la buuxiyo.

“Kulanka maanta waxa uu ahaa midkii Afaraad fadhigiisii 12-aad, waxaana ajandaha maanta uu ahaa, baarlamaanka waxaa la horkeenay ajende, kaasi oo ku saabsanaa guddigii doorashada iyo sidii guddiga loogu howlgelin lahaa si farsameysan, dad ayaa isaga tagey, dad baa xanuunsan, dad baa yiri guddiga kuma jirno, kaas ayuu ahaa ajendaha, kadibna waxaa la isla gartay in si farsameysan guddigaasi loo soo farsameeyo, guddiyo hore ayaa jiray, marka xildhibaannada waxay  ahaayeen Labo qeybood oo kala taageersanaa guddiga inuu jiro iyo in kale, marka si baarlamaanka isugu soo jiidno ayaa loo xalinaayey, waxaa la isku waafaqsan yahay oo xildhibaannada isugu imaan karaan ayaa meesha laga dhex raadinayey, waana la isku afgartay sidii loo xallin lahaa, waa la is afgartay, waxaana la kala tagey iyadoo la isku raacay in si farsameysan loo maro guddiga, waana lagu heshiiyey, guddiyo sameysnaa ayaa jirey oo ma jiraa mise ma jiraayo la isku haystay marka wuxu waxay u qeybsan yihiin habkii lagu dhisay in hadane sidii uu kale lagu habeeyo, qofkii maqan booskiisa la buuxiyo, qofkii aan guddiga rabinna la bedalo” ayuu yiri guddoomiyaha.

Labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maalintii shalay ahayd isku gacan qaadey, sidaasi darteed, waxaan guddoomiye Cali Gacal weydiinnay waxay arrintaasi ka yeeli doonaan.

“Baarlamaanka waa is ogolaaday wax wax diiddan ma jiraan, in mararka qaar la is khilaafo waa wax iska jiro, baarlamaankana cod iyo aqlabiyad ayuu ku kala baxaa, Labo xildhibaan oo mas’uuliyiin ah ayaa shalay gacan isku qaadey aad ayaan  uga xunnahay in xildhibaannada gacan isku qaadaanna raali kama aan ahayn, waxaan leenahay xildhibaanka dhibka soo gaarey ilaahay ha caafiyo, wax kale oo dhibaato ah oo meeshaasi ka taagan ma jiraan”

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug, Cali Gacal Casir ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashada madaxweynaha Galmudug ay dhacdo waqtigii lagu ballamay oo ah 10ka bisha April 2017.

“Aad ayaan u rajeyneynaa in doorashada ay ku qabsoomi doonto waqtiga loo ballamay, waxaan u baahannahay in aad loo shaqeeyo maalmaha shaqada si arrinkaasi looga gudbi lahaa, markii guddiga la isla helo ayaa faah faahinta guud ee doorashada la shaacin doonaa”

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa isku diyaarinaya doorashada madaxweynaha madaxweynaha ee maamulkaasi, iyadoo hadda la xalinayo kala aragti duwanaanshiyaha ay qabeen xildhibaannada.

Goobjoog News