Guddoomiye Jawaari Oo Ka Qeybgalay Furitaanka Kalfadhigga Afaraad Ee Baarlmaanka Jubbaland

23376454_2060658344164192_1019970128322940659_n-640x408

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari , guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee aqalka sare Abshir Maxamed Axmed Bukhaari iyo xildhibanno ka tirsan Labada aqal ee baarlamaanka ayaa maanta waxay magaalada Kismaayo kaga qeybgaleen furitaanka Kalfadhiga Kowaad ee baarlmaanka Jubbaland.

Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed C/raxmaan ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin imaanshiyaha mas’uuliyiintan, wuxuuna ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay barlmaankooda iyo waxyaabaha hadda ay filayaan iney qabtaan.

Guddoomiye Abshir Bukhaari oo isna halkaasi hadal ka jeediyey ayaa barlamaanka Jubbaland ugu hambalyeeyay furitanka Kalfadhiga Afaraad iyo horumarka ay gareen.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Golaha Shacabka baarlmaanka federaalkaSoomaaliya oo u mahad celiyay shacabka iyo dowlad goboleedka Jubaland ayaa amaanay howlaha golaha shacabka Jubaland ay u hayaan dadka ku nool deegaanada jubaland.