U bood dhigaalka

Guddoomiye Taabit Oo Sheegay In Maamulkiisa La Imaanayo Isbedal Amni Iyo Mid Dhaqaale

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in maamulkiisa uu la imaan doono waxqabad muuqda oo waxbadan u tari doona shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha oo habeenkii xalay ahaa la wareegay xilkaasi ayaa sheegay in kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka ay dib usoo nooleyn doonaan, shacabkana ay heli doonaan adeegyo badan oo ay xaq u leeyihiin.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha inuu maamulkiisa la imaan doono cadaalad, islamarkaana shacabka la tusi doono sarreynta cadaaladda.

Helista biyo qiimo jaban iyo waxbarasho uu helo canug walbo oo ku sugan magaalada Muqdisho ayuu ballanqaadey gudoomiye Taabit, wuxuuna dhanka kale sheegay in amniga wax badan laga bedali doono.

“Balanta aan u qaaday dadkan deggan magaalo madaxda waa inaan ilaalin doonaa sarreynta sharciga iyo in aan wanaajin doonno amniga dadka ku nool magaaladan, taasina waa cahdiga aan la galnay madaxda ina soo magacawday, sharciga ayaa tilmaamaya iney waajib tahay in la baaaro la soo qabto dacwad lagu soo oogo lana xukumo dambiilayaasha, wax kasto oo oo soo gaabinaya geeddi socodka noocaan ah waa sharci darro waana mid aan loo dulqaadan doonin, waxaa waajib nagu ah inaan noqonno magaalo uu sharciga uu ka taliyo, taasi oo ah iney noqoto waxa aan kaga duwannahay meelaha sharci darrada ka jirto, waana middaasi cahdiga aan idiinla gelayo haddii aad tihiin dadka deggan magaalada iyadoo aan afka kaliya laga sheegeyn oo aan sameyn doonno haykalladii hubin lahaa sarreynta sharci iyo sugidda amniga” ayuu yiri guddoomiye Taabit.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, waxaa horyaalla horyaalla shaqooyin badan.

Goobjoog News