U bood dhigaalka

Guddoomiyeyaasha Labada Aqal Ee Baarlamaanka Oo Gaaray Magaalada Garoowe

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay goor dhow gaareen guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Puntland ayaa garoonka Garoowe kusoo dhoweeyay mas’uuliyiintaan oo Labo diyaarad ay kala waddey, iyaga oo sidoo kale kala hoggaaminayey wafdi xildhibaanno ah.

Mas’uuliyiintan tagay Garoowe ayaa la kulmi doona madaxda maamulka Puntland, xildhibaannada iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa iney ka qeybgalaan furitaanka Kalfadhiga 40-aad ee baarlamaanka Puntland, kaasi oo maalinta berri ah ka furmi doona magaalada Garoowe.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News