U bood dhigaalka

Guryaha Mareykanka Oo Laga Isticmaalo BadanaaTelefoonnada Gacanta

Daraasad ka soo baxday dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in wax ka yar kala bar ay guryaha Mareykanka isticmaalaan telefoonnada landline ama nooca telefoonnada Cableka ah.

Baaritaan ay sameysay xarunta ka hortagga cudurrada waddanka Mareykanka ayaa waxay sheetay in boqolkiiba 50.8% laga istcicmaalo guryaha ku yaallo waddanka Mareykanka telefoonnada gacanta halka ay ku yartahay istcimaalka telefoonnada landline ah.

Daraasadda yaa waxay sheegtay sidoo kale in ku dhawaad 3.3% oo ah guryo ku yaallo Mareykanka aanba gabi ahaan laga isticmaalin telefoonnada gacanta iyo kuwa landline ah midna.

Daraasadda ayaa waxay sheegtay in tirada guryaha ah oo aan laheyn wax telefoon landline ah ay kor u dhaafayaan 2.5% laga soo bilaabo sanadkii tagey.

Waxaa la tilmaamaa in ka badan 123 malyan oo qof una dhiganta 50.5% iyo in ka badan 44 malyan oo caruur ah oo u dhiganta 60.7% ay ku noolyihiin guryaha laga isticmaalo talefoonnada gacanta .

Goobjoog News