U bood dhigaalka

Guusha Kadib, Uhuru Kenyatta Oo Raila Ugu Baaqay In Ay Wada Shaqeeyaan

Sheeko:Dalka

Uhuru Kenyatta ayaa mar labaad waxaa uu noqday madaxweynaha Kenya, isaga oo dalkaasi maamuli doona 5ta sano ee soo socota.

Kenyatta waxaa uu helay 8,203,290 (54.27%.) halka ninka la tartamaayey ee Raila Odinga uu helay 6,762,224 oo u dhiganta 44.74%.

Doorashada madaxtinimada Kenya waxaa ku tartamay  8 murashax, waxaa ku jiray qof Muslim ah oo sheegay in uu ku xukumayo dalkaasi diinta Islaamka. Raila Odinga oo tartanka ku guul-dareystay markii 4aad ayaa sheegay in uu isaga ku guuleystay, arrintaas oo qalalaaso keentay.

Dhanka Soomaaliya, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu u hambalyeeyay Uhuru isaga oo u rajeeyay hoggaan wanaag, Madaxwyenaha ayaa yiri “Madaxweyne Kenyatta ma aha saaxiib qura, balse waa hoggaamiye dadaal badan oo dareen horumarineed leh. Waan ugu hambalyeynayaa guushiisa.”

Goobjoog News