U bood dhigaalka

Ha Noqon Qofka Ugu Horreeya ee Diyaaradda Raaca

Sheeko:Caafimaadka
Daraasad cusub oo soo baxday ayaa sheegaysa in haddii aad noqoto qofka ugu horreeya ee diyaaradda kora khatar caafimaad aad waajihi karayso iyo iney inaad si sahlan ku qaaddo cudurada faafaana.

Caado ahaan dadku waxay jecelyihiin in diyaaradda dusheeda aaney cidina uga horreyn, si ay uga fogaadaan safafka dhaadheer ee diyaaradda dadka raacayaa ay galaan, laakiin cilmibaaristan cusubi waxay tilmaameysaa in arrintaasi caafimaadkaaga ay ku reebayso raad aan wanaagsaneyn dhibaato caafimaadna ay kaa soo gaari karto.

Shirkadaha adduunka ayaa inta badan waxay diyaaradda ugu horreysiiyaan dadka VIP-da ah ka dibna sida ay qiimaha tigidka u kala sarreeyaan ayay raacaan dadkuna u kala horreeyaan.

Cilmibaarayaasha oo ka tirsan jaamacadda Arizona State University ayaa ka digaya in aan noqoto qofka ugu horreeya ee diyaaradda raaca, maadaama arrintaasi kugu keeni karto khatar dhanka caafimaadka ah oo hadhow aadan kasoo waaqsan karin.

Cilmibaarayaasha ayaa darsay siinaayow kala duwan oo diyaaradda markii la korayo ah iyagoo adeegsanayo cilmiga xisaabta, iyadoo danta laga leeyahayna ay tahay fahamka sida cudurrada faafa la isku qaadsiiyo gudaha diyaaradaha, gaar ahaan xaalada khatarta ah sida cudurka Ebola oo kale marka uu diyaaradda ku jiro hal-qof oo cudurkaa qaba.

Natiijadii waxaa kasoo baxday in wadiiqada koritaanka diyaaradda dadka ugu horreeyaa qof ka mid ah ugu yaraan inuu la falgalayo qofkii cudurka qabay isla markaana uu cudurkii si fudud ku qaadayo.

Cilmibaarayaasha ayaa sheegaya inaad diyaaradda ka gasho albaabada hore amaba dambe ay yareynayso 27% khatarta ah iney kugu dhacaan cudurada faafa, maadaama xiriirka dadka rakaabka ah aad la yeelaneysaa uu aad u xadidan yahay.

Waxa kale oo ay sheegeen in adeegsiga diyaaradaha yaryar ee 50 qof qaada ay yareynayso 13% inaad kugu dhacaan cudurada faafa.

Goobjoog News