U bood dhigaalka

Haddii Dakhliga Ku soo Gala Maalintii Uu Gaarsiisan yahay Qiimahan Ogow Inaad Ku Nooshahay Saboolnimo Ba’an

Sheeko:War

Warbixin dhawaan kasoo baxday Bangiga Adduunka ayaa sheegeysa in saboolnimada ba’an ay si habsami leh hoos ugu dhacday dunida oo dhan, laakiin ol’olihii la doonayay in noocan sabaalnimada ah lagu dabar jaro sanadka2030 uu la soo gudboonaaday dhibaatooyin salka ku haya farqiga sii kordhaya ee dhanka dhaqaalaha.

Warbixintan oo soo baxday 2 October 2016, cinwaanna looga dhigay ‘Saboolinimada iyo qeybsiga Kheyraadka’ ayaa lagu sheegay in 767-milyan oo qof ayaa wali ku jiraan saboolnimo ba’an, kuna nool 1.90 dolar maalintii,  dadkaas qeyb ka mid ah waxay ku noolyihiin waddamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya, sida ay xoqta sheegayso.

Tirakoobkan ayaa lagu sheegay in hoos u dhac 12% uu ka jiro dunida oo dhan ayna boqolaal milyan ka faa’ideysteen hiigsiga 2030 ee lagu dabar jarayo saboolnimada ba’an ee dunida.

Bangiga Adduunka ayaa ka digay in ciribtirka saboolnimada ba’an ee Hiigsiga 2030-ka aan la gaari karin illaa ay ka faa’idystaan si dhab ah dadka ugu saboolsan, sidaa darteed waxay sheegeen in meesha laga saaro farqiga weyn ee dhaqaale ee dadka saboolka ah iyo kuwa taajiriinta ah  u dhexeeya gaar ahaan dowladaha ay ku noolyihiin dadka ugu saboolsan Dunida.

Goobjoog News