U bood dhigaalka

Hanti-dhowrka: Saldhigga Imaaraadka Waa Mid Dagaal Dhalin Kara, Waxaana Ku  Lug Leh Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowladda Federaalka Ah

Sheeko:Dalka

Dr. Nuur Faarax Jimcaale, Hanti-dhowraha Qaranka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay heshiiska ay Imaaraadka maamulka Somaliland kula galeen saldhigga Militari ee Berbera.

Jimcaale waxaa uu ugu horeyntii ka hadlay sida heshiiskaasi uu dhibaato ugu yahay dadka iyo deegaanka isla markaana uu dagaal ka dhex abuuri karo shacabka Soomaaliyeed, isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu  yiri

“Arrinkaas waxaa ay deegaanka iyo gobolka u keeneysaa culeys, culeyskaan oo qeyb ka ah nabad-galyo la’aan iyo xasarad iyo tii dhaqan-dhaqaale. Reer Saaxil, dhibka soo gaaraya waxaa ka mid ah meeshaasi waxaa ay noqon doontaa meel militariga ma ahee, waxa kale ka caagan, dadkii ka shaqeysan jiray, oo quutul-yoomka ka heli jiray dhib ayaa ka soo gaaraya, guud ahaan reer Somaliland dhib ayaa soo gaaraya, dhammaan umadda Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogto dhib ayaa soo gaaraya, gobolka uma baahna xasarad iyo dagaal abuur”.

Hanti-dhowraha qaranka, waxaa uu sheegay in heshiiskaasi uu cuna-qabateyn ku yahay dhaqaalaha umadda Soomaaliyeed, isagoo uga digay imaaraadka kala qeybinta ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan.

“Shalay DP Wolrd, maanta waa military base, waxaan eedeyn u jeedinayaa iyo in ay ka waantowdo dowladda imaaraadku kala qeybinta, kala qoqobka iyo xasarad oogista ay ku waddo geyiga Soomaalida. Waa markii 2aad oo heshiis gacan ku rimis ah, oo Hotellada Imaaraadka dad ka mid ah dowladda ama maamulka Somaliland ay hadba heshiis la soo saxiixanayso, heshiiskaan oo qabyo qoraal ah oo aan dadka la tuseynin, heshiiska haddii uu xalaal yahay, maa heshiiska oo dhameystiran la publish-gareeyo oo dadka la tuso, maxaa keenay in umadda…, umadda in hantideeda ma guurtada ah iyo dhaqaalaheeda in la cuuriyaamiyo, si imaaraadka uu dhaqaalahooda u kobco, ayaa waxaa ay sameynayaan, waxaa ay cuuriyaamiyanayaan dhaqaalaha umadda Soomaaliyeed.

Mudane Faarax Jimcaale waxaa uu dowladda federaalka ku eedeeyay in ay qeyb ka aheyd heshiiska iyo heshiisyo kale oo lala galay imaaraadka, oo rag ka tirsan dowladda ay tageen Imaaraadka halkaas heshiisyo ku soo galeen

“Waxaa Cajiib ah, in dowladdii aan saxiibka aheyn ay Soomaaliya dhib ku heyso, waxaan Imaaraadka uga digeynaa in heshiisyadan guracan ay ka geyso iyo duulaanka ay umadda ku soo qaadayso. Heshiiskan in uu correpted yahay, waxaa kugu daliil ah, heshiikan looma baratamin, hunfaan ma marin, wax alle, waxaa uu heshiikan u qotomaahi sharci ma aha cid accountability u leh ma laha, mar waxaa weeye labo ruux oo federaalka ka tirsanbaa Dubai lagula shirayaa, waxaa lal leeyahay heshiis ayaanu la galnay, 3 kale ayaa lagu shirinayaa imaaraadka, waxaa lala yeeyahay dekadda Berbera ayaan kala shirnay. Reer saaxil, Somaliland iyo Soomaaliya guud ahaan waxaa arrinkaasi ku keeneysaa caqabad, lama eegin maxaa umadda dan u ah”

Ugu dambeyntii, waa uu hanti-dhowrka guud heshiiskaasi ku sheegay mid musuq iyo khiyaamo ka buuxdo isagoo hadlayana waxaa uu yiri

“khaa’innimo iyo musuqa ayaa ku jira, umadda waa ka foojigan tahay qalaladaadka qaawan ee ay sameyanayaan, waxaan ka ashatakooneynaa Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay in imaaraadka uu vaiolation uu ku sameynayo wadamada daris iyo bah wadaag ay yihiin.

Goobjoog News