U bood dhigaalka

Hargeisa: Maxkamad Ayaa Xukuntay Dhalinyaro Dhac U Geystay Sawir Qaade Japan u Dhashay

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ku taallo Hargeysa ayaa laba sanadood iyo sagaal bilood oo xadhig ah ku xukuntay saddex dhalinyaro oo horay dhac ugu gaystay magaalada Hargeysa nin u dhashay dalka Japan.

Ninkan oo u dhashay dalka Japan oo lagu magacaabo Kazawa Taichi isla markaana ah sawir qaade dhinaca farshaxanka ah (Photo Artist), ayaa 24-kii December 2017 ay dhalinyaradan ka qaadeen lacag dhan 5000 kun oo Doollar, Baasaboorkii, Lens-ka Kamaradda  iyo Hard disk.

Dhallinyaradan saddexda ahaa, ayaa markii ay la kulmeen ninkan waxay markii hore ka codsadeen inuu sawir ka qaado laba ka mid ah, balse kii saddexaad ayaa xagga danbe kaga yimmi, kadibna shandad uu ninkaasi dhabarka ku sitay ayuu kala baxay lacag dhan 5000 kun oo Dollar iyo alaabta kale, ka dibna sidaa ayey ku baxsadeen.

Afhayeenka ciidanka booliska Somaliland Gaashaanle sare Faysal Xiis Maxamed ayaa sheegay in dhalinyarada la xukumay lacagtii ay ka dhaceen ninkan ay ku iibsadeen gaadhi nooca raaxada ah.

Goobjoog News