U bood dhigaalka

Hargeysa Oo Laga Hirgeliyey Gawaarida Hooyo Ha Tahriibin

Sheeko:Dalka

Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland helitaanka fursadaha shaqo oo aad u adag ayaa sabab u noqday in dhallinyaro badan ay u tahriibaan wadamada dibadda. Balse taas badalkeeda waxaa jira fursado shaqo oo kooban kuwaasi oo dhallinyaradu kaga baaqsadeen musiibada tahriibka.

Hargeisa, waxaa laga hirgaliyey gawaari loo bixiyey magaca Hooyo Ha tahriibin, gawaaridani ayaa waxaa shaqo abuur loogu sameeyay dhallinyarada ku dhaqan Hargeysa si looga hor istaago in ay tahriibaan.

Gawaarida Hooyo Ha tahriibin ayaa hadda waxaa si weyn looga isticmaalaa gudaha magaalada Hargeysa waxaa ayna fursad shaqo ay u abuureen dhallinyada ku dhaqan magaaladaasi.

Shaafici Axmed Diiriye waxaa uu ka mid yahay dhallinyarada uu gaarigaani uu u noqday shaqo abuur waxaa uuna Goobjoog News uu la wadaagay sida uu u arko isaga oo kaga baaqsaday dhibaatada tahriibka iyo dhaqamo kale oo xun sababna ay u noqon karto shaqo la’aanta.

“Maanta gaariga waxaa uu noo noqday shaqo waxaa uu naga baajiyey waxyaabo badan qofkii oo walwala,qofkii oo shaqo la’aan meelaha meereysta qofkii oo inuu tahriibo isku daya waxyaabo badan ayuu naga baajiyey Gaarigaan”.

Inta badan dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa u tahriiba wadamada dibadda iyaga oo doonaya inay ka helaan shaqooyin ay noloshooda ay ku maareeyaan,maadaama xiligaan ay yartahay fursadaha shaqo ee laga heli karo gudaha dalka.

Goobjoog News