U bood dhigaalka

Haweeney Ganacsato Ahayd Oo Lagu Dilay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in nin hubeysan uu dilay Haweeney ganacsato ahayd, taa oo lagu magacaabayey Warsan Faarax.

Dilkaan ayaa ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo uu maamulo maamulka Puntland.

Wararku waxay sheegayaan in ninkii dilka ka dambeeyey uu goobta ka baxsaday, iyadoo illaa iyo hadda aan la ogeyn sababta keentay inuu u dilo Haweeneydaan.

Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa goobta dilka ka dhacay gaaray, waxayna sameeyeen howlgal aan jirin cid lagu qabtay.

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo waxaa ku badan maalmahan dambe dilalka qorsheysan ee sidan oo kale ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News