U bood dhigaalka

Haweeney Ku Xirneyd Xabsiga Dhexe Oo Geeriyootey

Sheeko:Dalka

Deeqo Diraac oo ku xirneyd xabsiga dhexe ee dalka kuna xukunneyd 15 sano oo xabsi ciidan ah ayaa lagu soo waramayaa in goor dhow ay ku geeriyootey Isbitaal ku yaalla xabsigaasi.

Deeqo ayaa u dhimatay xanuunka macaanka (Sokorow) oo markii horeba ay qabtay, waxaana la sheegay in muddo 45 cisho ah ay ku xanuunsaneysay halkaasi.

Taliye ku xigeenka xabsiga dhexe Generaal Maxamed Sheekh Cumar ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyey geerida haweeneydaan, wuxuuna tilmaamay in maalmo badan ay la tacaalayeen dhaqaatiirta xabsiga iyo kuwa ka socotay Isbitaalka Keysaney.

Wuxuu tilmaamay Jeneraalka in haweeneydan uu dhiigeedda aad u hooseeyay, dhaqtarkiina uu amray in dhiig lagu shubo hase ahaatee ay iyadu diidday, sidaasina koomo ku gashay ugu dambeyn, kadibna geeriyootey.

“Ugu yaraan 45 cisho waxay u xanuunsaneyd Isbitaalka xabsiga dhexe, waxaana ku daweynayey dhaatiir ka socotay Isbitaalka Keysaney iyo sidoo kale dhaqaatiirta Isbitaalka xabsiga dhexe, waxay u dhimatay cudurka Macaanka oo horeyba u qabtay, dhiigeeda 7 ayuu tagay, laakiin wey ka dhaaratay in dhiig lagu shubo” ayuu yiri Taliye ku xigeenka Xabsiga dhexe.

30-kii June 2014, maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa 15 sano oo xabsi ah waxay ku xuntay deeqo diraac oo ku eedeysaneyd iney la shaqeyso Xarakada Al-shabaab.

mlo

Goobjoog News