U bood dhigaalka

Haweeney Soomaaliyeed oo Ka Macaashtey Ka Ganacsiga Bas Baaska?

Sheeko:Qormooyin

Sacdiyo waa hooyo Soomaaliyeed oo muujisay awooddaha ay leeyihiin dumarku. Haddii ay maanta hesho garab istaagga ay uga baahan tahay dadkeeda Soomaaliyeed, waxey ka mid noqon kartaa shaqsiyaadka guuleystay ee adduunyada wax ku soo kordhiyey.

Waxey ku dhalatey kuna barbaartey Muqdisho, 5 carruur ah oo ay ku jirto ayuu aabbeheed ka geeriyodey asagoon uga tagin wax hanti ah, sidaas ayey hooyadeed ugu kaliyowday maareynta nolosha ilmahaas yaryar oo ay u wayneyd Sacdiya.

Si hooyadood u maareyso nolosha carruurtaas, waxey isku dayday iney samayso ganacsi xaafadeed yar. Sacdiya iyo hooyadeed waxey billaabeen iney waddooyinka xaafadaha ku iibiyaan macmacaanka yaryar ee ay dadku xaafadu isticmaalaan sida: “Bataatiga, Bajiyaha, Lawska Nacnacburka, Nacnac lubbaaniga ”  iyo qaar kale oo ay sameyntooda iyo iibintoodaba Sacdiyo ka caawin jirtay hooyadeed marka ay ka timaado Iskuulka.

Sacdiyo waxa ay kusoo kortay nolol saboolnimo ah oo aad u adag. Iyada iyo walaalaheed waxaa ku adkayd inay saddexda waqti wax cunaan. Noloshaas adagna waxa ay Sacdiyo kusoo qaadatay dulqaad iyo dhabar adeyg badan, iyada oo howl karnimada iyo hal abuurka uu Eebbe siiyay ugaga faa’ideysatay inay hesho hab ay ku nooleyso nafteeda iyo tii qoyskeeda.

Sacdiyo Iyada oo dhiganaysa fasalka 11-aad ee dugsiga sare ayeey dagaaladii sokeeye ka billowdeen Soomaaliya, waxayna markaas Sacdiya ku qasbanaatey inay u baxsato dhanka Kenya, halkaas oo ay Xero qaxooti ka galeen.

Intii ay halkaas joogtey ayay Sacdiyo guursatay oo nolosheedii waxaa ku soo kordhay Lammaane, waxayna Sacdiyo mudadii ay ku nooleed xeryihii qaaxootiga ku dhashay 5 carruur ah, hadana inkastoo uu caawin jiray ninkeedu, waxay ugu rafaadday sidii hooyadeed ugu dhibtootey iyada iyo walaaleheed korintooda. Sacdiyo noloshii adkeed ee ay kusoo kortey, waxey ka dhaxashay hal riyo oo ah iney ganacsi weyn oo shaqeeya u badasho ganacsigii yaraa ee ay wadooyinka ku billaabeen iyada iyo hooyadeed. 1999-kii ayay ku baastay imtixaankii ugu dambeeyey oo ay ku tagi lahaayeen Mareykanka iyada, carruurteeda iyo odaygeeduba.

Noloshii ka jirtay dalka Mareykanka darteed Sacdiya iyo Ninkeedu waxey bilaabeen shaqo, taas oo ay uga raysteen noloshii qaxootinimo ee ay soo mareen. Sacdiyo waxey ka shaqo bilowday xarun caafimaad oo ay ka shaqeyn jirtay ilaa 2007-dii.

Sacdiyo waxey bilowday iney run u badasho riyadeedii eheed iney noqoto mar uun qof ganacsata ah oo waxa ay soo saarto loo iib geeyo aduunyadda.

Waxa ku dhalatey fikrad ah iney sameyso bas-baas ka cuntada lagu cuno. Waxey bilowday tijaabada fikradeedi ayadoo soo iibsatay waxyaabihii ay go’aansatey iney ka sameyso bas-baaska sida yaan-yada, basasha, toonta, ban-banooni, bas-baas ka cas, raqeyga iyo cusbada.

Markii ay ku guuleysatey, samaynta dhaladii ugu horeysay ee bas-baas keeda waxey la wadaagtey asxabteeda shaqada oo ay maalin qado la-leheed, si ay u tijaabiyaan. Dhammaan asxaabteedii markii ay dhadhamiyeen waxaa layaab ku noqotey iney ayadu sameysay bas-baas kaan iyagoo ku dhiira geliyey iney shaqadaan iska deyso oo ay bilowdo iney u iib geyso suuqyada Mareykanka bas-baaskaan ayna gacanta ku heyso riyadeedi ganacsi. Arrintaasi Sacdiyo aad bay u dhiiri galisay waxaanay kusii adkaysay inay ka sal gaarto riyadeeda ganacsi.

Si ay u bilowdo iibinta bas-baaskeeda waxey ku billowday dukaankii ay kasoo iibsan jirtay waxyaabaha ay ka sameysay bas-baas ka, markii ay tagtay dukaanka waxey ka codsatey iney ku daraan bas-baas kaan waxyaabaha ay iibiyaan ay na kasiin doonto qeyb wixii faaido ah oo laga helo, waxaase lagu war geliyey in ay jirto shirkad weyn oo dukaan kaan iyo kuwo kaleba leh, ayna u tagto shirkadaas si ay uga dhaadhiciso fikirkeeda. Waxaa lagu war galiyey Sacdiyo in balan looga qabtey maamullaha guud ee shirkadda is kaleh dukaamada, sidaas darteed ay la kulmi doonto horreyna usoo qaadato dhala ka mida bas-baaskeeda si ay ugu qanciso maamulaha. Markii ay la kulantey maamulluha wuxuu u sheegay iney tahay gabar hal -abuur leh, mudanna in la dhiiri galiyo, laakin ay jiraan caqabado ay ka mid tahay iney marto dhowr shuruudood oo ka yaal ganacsiga dalka, laakin wuxuu ugu bishaareyey intaan dowladda la gaarin in iyagu ay tijaabo galin doonaan alaabtaan, hadii ay ku guuleysatana ay u ibiin doonan.

Tijaabadii ay shirkaddu sameysay kadib bas-baaski wuxuu buuxiyay shuruudihii dhankasta, hadii ay ahaan laheyd dhanka cusbada, sonkorta, nafaqada iyo caafimaadka. Arrintaas waxey u eheed bishaaro kale Sacdiyo halkii ayeyna kasii laban laabtey dadaalkeedii. Waxey talaabadii xigtey u tagtay xarun lagu magacaabo, African Development Center (ADC) taas oo ka caawisa dad ka Afrikaan ka ah dhanka ganacsiga sida maaliyada, tababarka, shuruucda iyo talo siinta.  ADC hal abuurka Sacdiyo aad ayuu u cajab galiyey oo ay ugu riyaaqeen iyagoo ku dhiiri galiyey iney sii wado howsheeda iskana diiwan geliso xarunta oo ay codsi la timaado.

Sacdiyo intey sugeysay soo ansixinta codsigeeda ee xarunta. Waxey sii waday sidey suuqyada ugu iibin lahayd bas-baaskeeda. Billowgii ugu horeeyey iyadoo miis yar oo afar dhalo qaada ay gabar uga soo qaadey gabar saaxibteed ah, miiskii ayey ku bilowday iyadoo dad ka ugu yeereysay iney dha-dhamiyaan bas-baas kaan si lacag la, aan ah.  Qofkasta oo ka mida dad kii dhadhamiyay waxaa soo jiidanayey bas-baaska sidaas ayuuna ku iibsanaayey.

2010 kii ayaa xarunta (ADC) u ogolaatey Sacdiyo iney siiso lacagtii ugu horeysay ee loo ogolaa dad ka ganacsi bilowga ah. Waxaa loo raaciyey tababaro dhanka farsamada wax soo saarka iyo suuq geynta ku saabsan.

Helitaanka lacagtaas wuxuu uga dhigna Sacdiyo fursad maal galineed oo ay heshay, haboon tahayna iney u isticmaasho si farsameysan oo ku dhisan istaraatijiyad ganacsi oo fog. Sidoo kale markey xaruntu lacagtaas iyo tababaradaba siisay waxey kaloo shaqaalaha xaruntu Sacdiyo u fududeeyeen iney la kulanto ururada ganacsiga ee degaanka, waxaa kaloo lagu xiray shabakado ganacsi oo waaweyn kuwaas oo u fududeeyey iney ka xaliyaan arrimaha sharciyada iyo sidey jumlo ugu bixin laheyd wax soo saarkeeda.

Labo sano kadib bas-baas ka Sacdiyo wuxuu u gudbey tijaabada guud ee wadanka, si loo xaqiijiyo isku dheeli tirnaanashaha waxyaabaha aas aaska u ah bas-baas keeda, kadibna loo siiyo shahaado u ogolaanaysa iney u suuq geyn karto gobollada kale ee Mareykanka iyo adduunyada kale, kana soo saari karto cadadkii ay doonto.

Sacdiyo hadda waa hooyo heysata 9-gaal caruur ah, waxeyna rumeysantahay iney daadal badan kadib gaartay riyadeedii laakin ay weli ubaahantahay iney horay usocoto.

Bas-baaska Sacdiyo hadda wuxuu leeyahay 86 goobood oo lagu iibiyo, wuxuu kaloo yaala dukaamada waaweyn iyo Super-marketyada Mareykanka, hantideeduna waxey gaareysa ilaa 10-milyan oo doollar, waxeyna qorsheyneysa dhawaan iney furto warshado soo saara tirada ugu badan ee la suuq geyn karo.

Dadka ganacsatada ah ee maalgalinta sameeya, ururada ganacsiga ee soomaalida iyo bandhigyada ganacsiyada waaweyn ee soomaalidu leedahay ayey Sacdiyo hadda uga baahan tahay in ay fursad maal galin oo balaaran siyaan, isla markaana u suurta galiyaan inay wax soo saarkeeda Bas-baaska kusoo bandhigto fagaarayaal waa wayn oo ay dad badani ku baran karaan hal abuurkeeda.

W/D: Maxamed Axmed Cali Royal

Email:[email protected]

Business & ICT RESEACHER