U bood dhigaalka

Haweenka Oo Maanta u Dabaaldegaya Maalintooda

Sheeko:Dalka

Sanad walba maanta oo kale waxaa caalamka oo dhan looga dabaaldegaa ama laga xusaa maalinta Haweenka adduunka 8-da Maarso.

Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha looga dabaaldegayo maalintaan, waxaana lagu wadaa maanta in magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka lagu qabto munaasabadda maalinta haweenka.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ka qeybgali doona munaasabadahan si haweenka loo dhiirogeliyo.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa kaalin weyn ka qaatay dowladnimada iyo dib u dhiska dalka, waxayna haweenka laf dhabar u yihiin bulshada.

Dhanka kale haweenka Soomaaliyeed ayaa sanadkaan si ka duwan sidii hore ugu dabaaldegi doona munaasabaddan, maadaama saami sarreeya  laga siiyey baarlamaanka Soomaaliya, xukuumadana ay sidaasi oo kale ka rajeynayaan.

Goobjoog News