U bood dhigaalka

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Oo Ka Hadashay Waxa Ay Ka Ogeyd Dhallinyaro Laga Soo Musaafuriyey Maraykanka, Lana Keenay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Taliyaha hay’adda socdaalka iyo Jisiyadaha dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey Goobjoog News, ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin fulinta heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya ee dhanka socdaalka, dhallinyaradii laga soo celiyey dalka Maraykanka ee la keenay Muqdisho iyo waxa ay ka ogeyd dowladda Federaalka iyo arrimo kale.

Ugu horreen Taliyaha ayaa sheegay in hay’adda socdaalka iyo Jinsiyada ay hadda la falgashay nidaamka Federaalka islamarkaana ay ka howlgalaan dhammaan deegaannada maamulk goboleedyada.

“Hawlaha hadda waxay marayaan inay hay’addu la falgashay Fedaraaliisimka habka cusub oo hadda la qaatay,  maamul goboleedyadana ay iyadu la falgashay iyadoo ku shaqeynaysa sharciyadii uu fadaraalka uu lahaa ay ku shaqeynayso, waxayna dhamaan hadda ka hawlgashaa deegaannada maamul goboleeyada hoostaga iyadoo waliba ku shaqeynaysa shrciga Fadaraal”

 

“Waxaan soo kordhinay in dadka sidoo kale ay naga helaan dad ay ku ixtiraamaan sharciyadda iyo habka soo galista iyo bixidda garoomada, sidoo kale waxaan midaynay caalamadaha iyo shaabadaha dalka looga baxo meel kasta  xaduudaha iyo garoomada oo lawada istcimaalo hal calaamad, halka markii hore uu maamul kasta uu isticmaalayay calaamadiisa gaarka ah”

Sidoo kale taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in muddo 5 bil ah ay gacanta ku dhigeen 35 qof oo si sharci darro ah doonayey iney dalka kusoo galaan, kadib markii ay soo qaateen dal ku gal aan sax ahayn.

“Waxaan qabanay inta aan shaqadaan aan kugada jirnay tiro badan oo dad ah oo isku dayay  inay si sharci darro ah dalka ay uga dhoofaan oo iskugu jira Soomaali iyo Ajaanib, tirada dadka kusoo dhoofay baasaboorada sharci darrada ah waxay gaarayeen ilaa 35 qof oo isticmaalayay baasabooro aysan iyagu lahayn, kuwaas oo aan qabannay shantii bilood ee ugu dambeeysay oo aan xilka hayay, waxaan ku guulaysannay qaar isku dayayay inay dalka ka soo galaan dhinaca xaduudaha gaar ahaan meelihii aan xabsiyada geennay in sidoo kale aan dib u celinno.”

Dhanka kale Taliyaha hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay hadda ku mashquulsan yihiin diiwaangelinta qaxootiga ku sugan dalka.

“Hay’adda waxay baryahaan ay ku mashquulsaneed diiwagalinta qaxootiga iyo inay diiwaan galiso dadka ajaanibta ah oo qaxootinimada dalka ku joogo, diiwaangalintooda hadda ayaan wadnaa oo waan ku mashquulsannahay, qaar badan waxaan haynaa xogtooda oo si sharci ah dalka kusoo galay waxaa jirta tiro badan oo dalka joogta oo kasoo galay dhinaca xaduudaha oo nidaamkaan ka horreeyay iyaguna tiro koob ayaan ku wadnaa wixii qaxooti kusoo galay iyo wixii shaqo iyo waxbarasho kusoo galay ayaan ku mashquulsannahay sidii loo diiwaan gelin lahaa”

Mr Koofi ayaa sheegay in dhexda u xirteen in Baasaboorka dalka laga aqoonsado dalal badan oo caalamka ah “Waxaan dhexda u xirannay inaan adduunka la xiriirno oo Baasboorkeenna geynay Marykanka, Yurub iyo guud ahaan dwladaha dalalka Yurub aan aqoonsaneyn Baasaboorka qaar aqoonsanna way jiraa dhamaantood waan la fariisannay waxaan ugu tagnnay xarumahooda qarkood halkaan ayaan ugu yeernay waan la kulannay waxay ku qanceen qaabka Baasaboorka amnigiisa iyo awooddiisa uu u sameysanyahay wayna ku qanceen aad iyo aad”

Dhanka kale Taliyaha waxaan wax ka weydiinnay arrinta Wajeer oo Soomaalida u socota Nairobi lagu dhibo iyo heshiiskii dowladda Kenya ee ku  aadanaa in degdeg ay ku joojin doonaan baaritaanka Wajeer halka uu ku dambeeyo ” heshiiska wajeer waan dabogalnay guddiyana waa ku jiray oo hawshaas loo xil saaray run ahaantii Soomaalida heshiiska qeybtii uga aadanayd way fulisay oo ahaa jaadkana inay ogolaadaan dadka baxaya oo galayana Kenya in aad loo hubiyo diyaaradaha qudhooda in ammaankooda aad loo hubiyo wax allaale wixii inaga nalaga rabay waan sameynnay Soomaalida dhinaceeda heshiiska waa ay kasoo baxday wuxuu ka dhimanyahay waa dhinaca Kenya ilaa iyo haddana ma cadeynin sababta ay uga dhimantahay, waxaan u xilsaaran heshiiskaas la socodkiisa iyo fulintiisa dowladda Soomaaliya ugu xil saaran wasaaradda arrimaha dibadda “

Taliyaha hay’adda socdaalka iyo Jisiyadaha dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ayaa dhanka kale mar aynu wax ka weydiinnay arrinta ku aadan dhallinyaro Soomaaliyeed oo laga soo celiyey dalka Maraykanka iyo waxa ay dowladda Federaala kala socotey ayaa sheegay in ay wax badan ka ogaayeen arrintaasi, ayna ka wada shaqeeyeen dowladda Soomaaliya iyo midda Maraykanka kadib markii dhallinyaradaasi oo loo diiday deganaanshiyaha Maraykanka ay soo dalbadeen in dalkooda dib loogu soo celiyo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan rabaa inaan dib u fiiriyo dadka aad ka hadlayso isbuucyadii la soo dhaafay oo Maraykanka laga soo celiyay wax qarsoon ma ahayn waxay ahaayeen wax dowladda Soomaaliya iyo midda Maraykanka ay isla ogaayeen, dadkaana waxay ahaayeen dad iyaga iskood usoo doortay inay soo laabtaaan waa dad Soomaaliyeed oo si sharci darro ah dalka Maraykanka ku galay kadibna xabsiyo lagu uruuriyay loona diiday xaqii ogolaanshaha ay dalka ugu noolaadaan waxaa xukumay oo go’aano ka gaaray maxkamadahooda qaabilsanaa socdaallada oo u diiday inay dalka sii joogaan waxay ku jireen xabsiyo muddo dheer, dhallinyaradaas dhibaato badan ayey la kulmeen waxay la xariireen safaaraddeena Soomaaliya waxay u qorteen codsiyo oo iyago goosteen inay caddeynayaan in dalkooda lagu celiyo” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey taliye Maxamed Aadan Koofi.

Goobjoog News