U bood dhigaalka

Heshiis: 3 Bilyan oo Dollar Oo Ku Bixi-doonta Mashaariicda Hey’adaha Q.M 4ta Sano Ee Soo Socota

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobey waxaa ay sheegtay in ay u baahan tahay illaa $3 billion oo Dollar 4ta sano ee soo socota si ay barnaamijyo uga fuliso gudaha Soomaaliya.

Hadalka waxaa uu imaanayaa kadib heshiis dhanka horumarka ku saabsan oo talaadadii ay kala saxiixdeen, heshiiska waxaa uu socon-doonaa 4ta sano ee soo socota.

Ergeyga xogheyaha guud ee Soomaaliya Michael Keating waxaa uu sheegay in lacagtaas lagu qarash-gareyn-doono barnaamijyada ay wadaan 23 hey’adood oo Q.M mudada 4ta sano ee soo socota.

Michael Keating  waxaa uu sidoo kale intaasi ku daray in tani ay keeneyso in la mideeyo dadaallada iyo istaraatiijiyadda lagu xoojinayo sharciga, arrimaha doorashooyinka iyo hey’adaha dowliga ah ee Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobey waxaa lagu sheegay in hey’addan ay u baahan tahay $2.88 billion inta u dhaxeysa 2017-2020, taas oo la soo marsiinayo sanduuqa mashaariicda ee UNSF. Lacagta waxaa hadda la hayaa 40% halka ay 60% raadin u baahan tahay.

Heshiiskan dhanka dowladda waxaa u saxiixay ra’siul wasaare Xasan Kheyre iyo wasiirkiisa qorsheyna Jamaal Xasan,  waxaana la sheegay in wax looga qaban-doono 5 meel sida: Fedelism-ka, nabadda, cadaaladda iyo amniga, xoojinta hey’adaha madaniga ah iyo bulshada rayidka ah iyo in kor loo qaado heerka dhaqaale iyo fursadaha qofka.

Goobjoog News