U bood dhigaalka

Hiiraan: 2 Ruux Oo u Geeriyootay Cudurka Jadeecada

Sheeko:Caafimaadka

Inta la xaqiijiyey 2 ruux ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxay cudurka Jadeecada ugu geeriyootay deegaanka Dibugal oo kamid ah deegaannada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, islaamrkaana qiyaastii 40 Km dhanka waqooyi galbeed ka xiga degmadaasi.

Cudurkaan oo maalmihii ugu dambeeyay si aad ah u hayey dad badan oo ku nool deegaankaasi ayaa waxaa aad ula il daran dad u badan carruur.

Xaaji Xuseen Cali Xundubey oo kamid ah waxgaradka deegaankan ayaa u sheegay Goobjoog News, in Labada ruux ee geeriyootey ahaayeen Haween da ah.

Waxa uu tilmaamay in deegaanka dad badan ay ku xanuunsanayaan, islamarkaana aanay haysan wax ay dadkaasi daweeyaan.

“Jadeecada aad bay dadka ugu faaftay, meel walbo waa loo jiifaa, yar iyo weyn ayaa yaalla, dadka barax baan siin jirnay, hadana waxbo uma haynno, carruur badan waa ay jiifaan, dadkii waaweynaa sidoo kale” ayuu yiri Xaaji Xuseen.

Sidoo kale Xaaji Xuseen Cali Xundubey ayaa ugu baaqay maamulka gobolka Hiiraan, Hirshabelle, dowladda Federaalka iyo Hay’adaha samofalka ah in dawooyinka Jadeecada ay la gaaraan deegaankaasi, sidoo kalena lala gaaro gurmad dhanka nolosha ah.

Goobjoog News