U bood dhigaalka

Hiiraan: Maamulka Oo Mamnuucay Shilin Soomaaliga Uga Yimaada Gobollada Kale

Sheeko:Dalka

Maamulka  Gobalka Hiiraan ayaa sheegay inay mamnuuceen lacaha shillin Soomaaliga ah ee uga yimaada gobollada kale ee dalka, kadib maalmo sicirbarar ah oo soo martay deegaannada gobolkaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Deeqoow (Cumar Baadiyoow) ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog kaga hadlay arrimaha la xiriira khilaafka lacagta shillinka Soomaaliga oo suuqyada Baladweyne iyo degaanno kale oo gobolka ah maalmahan ka taagnayd.

Waxaa uu sheegay in badi ay xalliyeen khilaafkii oo hadda wax kala iibsashada suuqyada ay caadi ku soo noqotay islamarkaana ay soo saareen ammar ah cidna in aysan dibadda gobolka lacago shillin Soomaali ah ka keeni karin.

Guddoomiyaha Hiiraan ayaa sheegay in ay arrintani la wadaageen dowladda federaalka oo ay u ballan qaaday in dhowaan lacago cusub dalku yeelanayo si looga gudbo lacagahani.

“Waxyaabaha aan wax ku xallinay waxaa kamid ah in lacag shilin Soomaali ah, oo aan ahayn middii taalay gobolka aan la isticmaalin, waan qaban doonnaa haddii gobolka lacag badan lasoo geliyo” ayuu yiri guddoomiyaha.

Deegaanno kamid ah gobollada Hiiraan iyo Galgaduud waxaa lagu soo daabulay lacag shilin Soomaali been abuur ah, taasi oo keentay in ganacsatadu ay diidaan iney wax ku iibsadaan shilin Soomaaliga.

Goobjoog News