U bood dhigaalka

Hillary Clinton oo Ka Qeybgali Doonta Xafladda Caleemo Saarka Trump

Sheeko:Caalamka

Ilo wareedyo ka imaanaya dhinacyo kala duwan ayaa xaqiijinaya in xafladda caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump ee 20 Janaayo ka dhacaysa Washington, la filay iney xafladda ay ka soo qeybgalaan Saddex ka mid ah madaxweynayaashii hore, Jimmy Carter iyo W.Bush iyo Bill Clinton oo ay garab istaagi doonto xaaskiisa Hillary.

Ilo wareeydo aad ugu dhaw Clinton ayaa sheegay in Hillary ay ka qeybgali doonto xafladda caleemo saarka madaxweyne Trump iyo ku xigeenkiisa Mike Pence.

Dhinaca kale, afhayeen u hadlay W.Bush madaxweynihii hore ee Mareykanka(2001-2009) ayaa sheegay in uu ka soo qeybgali doonaan isaga iyo xaafskiisuba xafladda caleemo saarka, waxa uuna yiri; “Waxay aad ugu faraxi doonaan iney ka qeybgalaan xilwareejinta sida nabadda ah ku dhacaysa, taas oo ah astaanta dimuqraadiyadda, caleemo saarka madaxweyne Trump iyo ku xigeenkiisa”.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter oo hadda ah 92-jir ayaa isna sheegay bishii December inuu ka qeybgali doono xafladda caleemo saarka.

Sidaa dartee, George Bush-ka aabaha ah oo hadda jira 92 jir ah, lana tacaalaya dhibaatooyin caafimaad ayaa ah madaxweynaha nool ee aan ka qeybgali doonin caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump.

Goobjoog News