">
muslim militants

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa arbacii hore waxaa uu golaha shacabka horgeeyay hindise sharciyeedyka  la-dagaalanka argagaxisada .

Hindise sharciyeedkan waxaa uu ka hadlayaa:  fal-argigixiso, koox argigixiso, xubin ka noqosho koox argigixiso, Fulinta  ‘Shirqool’  Xad-gudub  ku  ah  Sharcigan, Qorista     Dad   Xubno    Ka-noqda    Kooxo   Argagixiso   ama   Ka-qeyb qaata  Falal-argagixiso, Bixinta   ama    Helidda   Tababar   Argagixiso     (tababare   iyo   la tababare), In  Loo   Raadiyo  Ama  La  Siiyo  Taageero   Kooxo   Argagixiso   Si Loo Fuliyo   Fal  Argagixiso,  Xad-gudubyada  ka dhanka ah badbaadada    duulimaadyada rayidka    ah,  Awoodaha barista iyo Awoodaha Xirista  iyo arrimo kale

Hadaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa Hindise Sharciyeedka Argigixisada Oo Dhameystiran.

 “Fal  Argagixiso”

1)  “Fal  argagixiso” haddii  uusan  sharcigu  si kale u  sheegin   waxaa  loola  jeedaa: ficil ama  fal  hanjabaad   ah  oo  ka  dhaca  gudaha   ama  dibadda   dalka  Soomaaliya taasoo  ay ka dhalato  mid kamid  ah arrimaha  soo  socda:

a) Dhimasho nafeed  ama dhaawac  jireed oo soo gaara qof ama  shakhsiyaad;

b) In halis la  geliyo  nolosha   cid  kale  oo  aan  ahayn   cidda    ku  kacaysa  ama fulinaysa  falka;

c) Qabashada,  af-duubka,   hanjabaad,    dil,  dhaawac   ama  in  xabsi  lagu  sii   hayo qof  kale;

d) In   la   abuuro    xaalad   halis   ah   oo   saamaysa   nolosha    1yo   badbaadada dadweynaha   ama qeyb kamid  ah dadweynaha

e) Dhaawac ama  dhibaato   soo  gaarta  hantida   dadweynaha   ama hantida   gaarka loo  leeyahay,  oo  ay ku jirto  goobo   dadweynuhu   isticmaalo,   dhisme  dawladeed, nidaamka   gaadiidka   dadweynuhu   adeegsado,   dhaawac   gaara  kaabayaasha   ama degaanka;

f) Qabsashada  ama  af-duubid   diyaarad,  markab,   doon  ama  gaadiid  nooca   uu doono   ha  ahaadee   bad,   berri  iyo cir  iyo in lagu  hanjabo   in  khasaare  hanti  iyo naf la gaarsiiyo;

g) In la adeegsado hub  ama waxyaalaha  qarxa;

h) In  lagu  hanjabo   ama  lagu  sii  daayo  degaanka   ama  qeyb  ka mid ah  ama  in lagu  baahiyo   ama  loo  banhigo  dadweynaha   ama  qeyb  kamid  ah  dadweynaha halis  nooca   ay doonto   ha  ahaatee,   khatar,  walax  shucaac  leh  ama  sun  halis  ah nooca  ay doonto   ha ahaatee;

i) Wax  kasta  oo  loo  qaabeeyey  ama  loola  gol  leeyahay  in  lagu  carqaladeeyo nidaam    kombuyuutar     ama   bixinta   adeegyacla    toos   xiriir   ula   leh   agabyacla kaabayaasha,     isgaarsiinta,     bangiyada   ama   adeegyada   maaliyacleed,     acleegyada korontada,   biyaha iyo tamarta  arna kaabayaasha   kale ee muhiimka   ah;

j) Wax kasta  oo  loo  qaabeeyey   ama  loola  dan  leeyahay  in  lagu  carqalacleeyo bixinta   adeegyada  degdegga ah  ee muhiimka   ah  sida  adeegga  booliska,   difaaca madniga ah ama adeegyada  caafimaad  ama weerar  lagula kaco adeegyadan;  iyo

k) Falalka  loo   qaabeeyey   ama  loola   dan   leeyahay  in  lagu  carqalacleeyo,    lagu xannibo   hawlaha  ciidamada   Soomaaliya   iyo xoogaga  hubaysan   ama  weerar  loo gaysto    ama    xad-gudub     qalalaase    wata    oo    lagu    sameeyo    xarumahooda, agabkooda   ama gaacliidkooda.

2)   In  loola  jeedo,   ama  marka  la  fiiriyo  noociisa   ama  xaaladdiisa,   si macquul   ah loogu  tixgelin  karo in lala damacsanaa:

a) In handadaad loo geysto dadweynaha   ama qeyb kamid  ah dadweynaha;

b)  ku qasbo  dawlad  ama  urur  caalami  ah in ay sameyso,  ama ay ka waantowdo sameynta   fal;  ama

c)In   si  khatar    ah   loo   qaso   ama   la  baabi’iyo    sharafta,    madax-bannaanida, midnimada   ama  qaab-dhismeedka    asaasiga ah ee siyaasadeed,  dastuur,  dhaqaale ama bulsho   ee Soomaaliya.

3)    Fal  kasta  oo  carqalad   ku  ah  adeegyada   madaniga   ah  loona   fuliyo   la rabo  in  la sameeyo   bannaan-bax  nabad  ah,  mucaaradid,  diidmo,  ama  joojin  Shaqo,   sida ku Cutubka  2aad  ee  Dastuurka   ku-meel-gaarka  ah.   Waxaa,     aan  lagu  gafayn   fal-dembiyeed    kale  oo   ka  dhalan   kara  falka,  loo   arki  doonaa   in  aanu   ahayn   fal argagixiso  marka  la fiiriyo macnaha   qeexitaankan,   ilaa inta  falkani aanu  ahayn  mid loola  jeedo  in  ay ka dhalato  wax  halis ah ama  dhaawac  ah  sida  kuwa  lagu  xusay faqradda  1(2) ee qodobkan.

4)   Falalka  ama hanjabaadaha falalka ku xusan  faqraddal(a)   ee qodobka iyaga oo  aan hayn    qaar    ku   gabood     falaya   xad-gudubyada     ku   xusan    xeerka    ciqaabta    iyo waxyaalaha   ku  qoran   qodobka    13”d  iyo  qodobka  14″    ee  xeer-ciqaabeed    ku dabaqmi  doonaan marka  la fiiriyo dhanka  baaxadda  waxyaalaha ku qoran  xeerkan,

Koox Argagixiso iyo Hantideeda

 “Koox  argagixiso ah” waxaa  loola jeedaa    – cid ujeeddooyinkeeda    ama hawlaha  ay qabato  ay kamid  yihiin  sarneynta, abaabulidda,  ku-dhiirrigelinta,  ku-qancinta   fududaynta   fulinta  fal argagixiso;  ama

Hanti argagixiso leedahay: waxaa loola  jeedaa   –

(A)Dakhli  iyo raasumaal  loo  adeegsado   fulinta  fal argagixiso;

(B) Lacag  ama  hanti  loo  adeegsado,   loo  adeegsanayo,   ama  ay muuqato  in  loo adeegsan  karo/  doono   fal argagixiso.

(C) Lacag  ama  hanti   ay  adeegsadeen,   adeegsanayaan,    arna  adeegsan   rabaan shakhsi  ama koox  argagixiso;  ama

(D)  Han ti ay leedahay /leeyahay ama ay maamusho ama lagu maamulo   magaca  koox ama shakhsi  argagixiso  ah,  si toos  ah ama dadban.

Diyaar-garow

Qof   kasta   oo   ku  lug  leh,   sida  ay  doontaba    ha  noqotee,    diyaar-garowga    fulinta   fal argagixiso    si   ula-kac    ah   wuxuu    noqonayaa   mid   sameeyey    fal-dembiyeed,  waxaanu mutaysanayaa   xabsi muddo   gaaraysa 4 (afar)ilaa 10(tobon)    sano.

Hagidda  fulinta   fal argagixiso

Qof  kasta oo  isagoo  og haga ama ku amra  qof in uu fuliyo  fal argagixiso  wuxuu  qofkaasi ku kacay xad-gudub  waxaana  mutaysanayaa   xabsi muddo   10 (toban)    ilaa  20  (labaatan) sano   ah.

Xubin   Ka-noqoshada    Koox  Argagixiso

  1. Qof  kasta oo isagoo  og xubin  ka ah,  ama  sheega  in uu  xubin  ka yahay urur  argagixiso ah  wuxuu   qofkaasi    sameeyey   xad-gudub    waxaanu,   marka   lagu   caddeeyo    ka  dib, mutaysan   doonaa   qofkaasi  xabsi muddo  dhan  5  (shan)  ilaa 10  (toban)    sano.
  2. Waxaa difaac  u noqon   kara  qofka  lagu  eedeeyey  xad-gudub   marka  la fiiriyo faqradda (1)  ee  Qodobkan  in  uu  caddeeyo   in  cidda  lagu  eedeeyey  uu  xubin  ka yahay  aanay ahayn  urur  argagixiso  goorta   ama  taariikhda   uu  isagu  ama  iyadu  xubin  ka  noqotay ama sheegtay  in  uu xubin  ka yahay ciddaas,  iyo in aanu isagu ama iyadu  wax qeyb  ah ka qaadan  hawlaha  ciddaas,  markii  ay noqotay  urur  argagixiso
  1. Marka la go’aaminayo   in  qof  xubin  ka yahay urur  argagixiso  iyo inkale,  maxkamaddu waxay tixgalin  kartaa  arrirnahan   soo socda:a) Haddii ay jirto  sabab  macquul   ah oo  lagu aamino  in qofka  la dacweeyey  uu hanqal  taagayo  mabaadi’da   kooxdaas  argagisida  ah; b) Haddii    eedaysanuhu    isagoo   og   uu   ka  helay  lacag   ama   agab   urur argagixiso  ah; c)  Haddii   eedaysanuhu    uu  qaatay  magaca,   midabka,    astaanta,   luqadda, calaamadda   ama wax kale oo matala  lalana  xiriiriyo urur  argagixiso;  iyo d)  Haddii  eedaysanuhu   isagoo  og xiriir la yeesho  xubno   la ogyahay  oo  ka tirsan  urur  argagixiso  ah.

Qorista     Dad   Xubno    Ka-noqda    Kooxo   Argagixiso   ama   Ka-qeyb qaata  Falal-argagixiso

Qof  kasta  oo isagoo  og oggolaada  in uu kamid  noqdo,  ama cid kale ku soo  dara gudaha  iyo dibedda  dalkaba-

(a)    Inay  kamid  noqdaan   koox  argagixiso;  ama

(b)   Inay  ka qeyb  qaadato   fulinta  fal argagixiso, wuxuu  qofkaasi   ku  kacay  xad-gudub  waxaanu   mutaysan   doonaa   xabsi  dhan   5   (shan) ilaa  10 (toban)    sano   ah.

Bixinta   ama    Helidda   Tababar   Argagixiso     (tababare   iyo   la tababare) Qof  kasta oo isagoo  og:

1)  bixiya tilrnaan  ama tababar  ku saabsan  xirfad,  xirfadahaas   oo ay ku  jiraan balse  aan ku koobnayn   –

a) sameynta iyo ka shaqaynta wax kasta oo  qarxi kara ama  sun ah;

b) adeegsiga  qaabkasta   ama hab  kasta  oo  loo  sameyn  karo  wax  kasta  oo kale oo   ujeeddada      laga  leeyahay   ay  tahay   fulinta   ama   fududaynta    fulinta   fal argagixiso;  ama

c) sameynta  layliyada milatari  ama dhaqdhaqaadooda;  isagoo  og waqtiga  uu bixinayo  tilmaamaha   ama tababarka  in qofka  uu siinayo  tilrnaamaha  ama tababarku   uu rabo  in uu u adeegsado  xirfadahaas  loo  tilmaamay  ama lagu tababaray   arrimo  la xiriira argagi.xiso ama uu rabo  in uu ku fuliyo fal-argagixiso  ama uu ku kaalmeeyo  fulinta ama u diyaarinta  dad kale inay fuliyaan  fal noocaas  ah ama xad-gudub,   qofkaasi  wuxuu  sameeyey  xad-gudub  wuxuuna   mutaysanayaa  xabsi muddo  u dhaxaysa  10 (toban) sano ilaa  xabsi daa’im iyadoo garsooruhu  uu tixgalinayo  xaaladaha  dambiga fududeeya  ama cusleeya  ee Xeerka  Ciqaabta  Soomaaliyeed.(XCS)

2)     Qof  kasta  oo hela tilmaamo   ama  tababar  nooc  kasta  oo kamid  ah xirfadaha  lagu xusay    faqradda(a)     ee    sare    isagoo    waqtiga    uu    tilmamaha     ama    tababarka qaadanayana    ujeeddadiisu     tahay   in   uu   u   adeegsado    tilmaamahaas    la  siiyey   fal-argagixiso  ama  arrimo  la xiriira  fulinta ama u diyaar-garowga   falal argagixiso  ama   kuwa   kale  in  ay  fuliyaan  falal  noocaas   ah  qofkaasi   wuxuu   galay  xad-gudub,   wuxuuna   mutaysan   doonaa   xabsi  muddadiisu    dhan   tahay  10  (toban)   sano ilaa  xabsi   daa’im.

Abaabulka  ama  Dhiirri-gelinta  Fulinta Fal  Argagixiso

1)     Iyadoo  la tixraacayo  qodobada   18aad  iyo 38aad ee Dastuurka   ku-meel-gaarka   ah iyo xaqa xorriyadda   loo leeyahay in la cabbiro  fikir,  waxay noqonaysaa   xad-gudub   in qof  si ula-kac  ah:

(a)    U abaabulo,   tebiya  codadkooda,   tebiya war aan dhab  ahayn,  xayeysiiya,  buun-buuniya  ama dhiiri-geliya  si kastaba  in lagu kaco  fal  argagixiso;  ama

(b)   in uu abaabulo ama dhiirri-geliyo  si kastaba  in xubin  laga noqdo  urur  argagixiso.

2)     Qofkaasina   wuxuu   mutaysanayaa,  haddii  aanu  noqon   falkaasi  mid  keena  xadgudub  ka culus,  xabsi  dhan  3 (saddex)  ilaa 10   (toban)  sano.wxuxuu  qofkaasi   ku kacay  xad-gudub  waxaanu   mutaysan   doonaa   xabsi  dhan  5 (shan) ilaa 10 (toban)  sano ah.

 

Fulinta  ‘Shirqool’  Xad-gudub  ku  ah  Sharcigan

a) Heshiis  ama  is-afgarasho    kasta  oo  dhexmara   laba  qof  ama  ka badan  si ay u  fuliyaan “fal-argagixiso”    ama   fal  kale  oo  xad-gudub    ku  ah   sharcigan   waxaa,  iyadoo   la  eegayo qodobka   76′”d ee xeerka  ciqaabta,  loo  ciqaabi  doonaa  in uu yahay  shirqool  in la fuliyo fal ama  xad-gudub   iyadoo   haddii  aan  la  fulin  falkaas  ama  xad-gudubka    ay weli  ka  dhalan doonto   ciqaab xabsi muddo   dhan  3 (saddex)  ilaa  10  (toban)    sano.

b) Qof  kasta  oo shirqool  maleega  isagoo  la kaashanaya  qof kale dalka Soomaaliya gudihiisa  meel  kamid  ah si uu uga fuliyo fal meel  ka baxsan  dhulka  Soomaaliya,   kaasoo  ah fal haddii  lagu sameeyo  Soomaaliya  dhexdeeda   noqon  lahaa mid  loo  arko  xad-gudub marka  la fiiriyo sharcigan,   waxaa loo arki doonaa  qofkaasi  in uu shirqool   maleegay  oo uu doonayey  in uu  falkaas ka fuliyo Soomaaliya      dhexdeeda;   iyo

c) Qof  kasta  oo la fuliya shirqool   qof  kale meel  ka baxsan  dalka Soomaaliya  si uu fol uga sarneeyo  dhulka  Soomaalida   falkaasoo  marka  la fiiriyo Sharcigan   noqonaya   xad-gudub waxaa loo  arki doonaa   shirqool   laga fuliyey Soomaaliya   gudaheed

  Is-hortaag-caddaaladeed

(1)     Qof  kasta oo  si ula-kac  ah isugu  daya in uu hor-joogsado,   weeciyo  ama buriyo cadaaladda  waa qof xad-gudub   ku kacay marka  la fiiriyo xeerkan.

(2)       Qof  kasta  oo markhaati   ah ama sarkaal  dawladeed  ah oo ku lug leh dacwad socota  oo  sharcigani  ku dabaqmo   oo si ula-kac  ah:

(a)  u adeegsada  xoog  ama hanjabaad;

(b)  u hanjaba    ama isku daya in uu u hanjabo;

(c)   ka joojiya   ama isku daya in uu ka joojiyo  in uu bixiyo caddeyn;

(d)  ku qasba  in uu keeno  caddeyn  been  ah;

(e)   fara-gelin  ku sameeya  bixinta  caddeynta;

(f)    fara-gelin  ku sameeyo  bixinta  caddeyn  si uu u carqaladeeyo   habraaca garsoorka;

(g)  u ballan-qaada,   siiya nacfi  ama wax-dheef;  ama

(h) qariya, degaan  ka ijaara, marti-geliya  qof  si mug leh loogu  tuhunsan   yahay argaguasanrumo.

(3) wuxuu  qofkaasi   sameeyey   xad-gudub  uu ku mutaysanayo   ciqaab xabsi  oo dhexeeya 2 (labo)  ilaa 5  (shan)   sano.

Waajibka   In  La  Daah-Furo  Xogta   La Xiriirta  Xad-gudubyada ama  Falalka  Argagixiso

  1. Qof  kasta  oo haya xog gacan  ka geysan  karta in:

(a)    Laga hortago  in qof kale sameeyo  “fal argagixiso”;   ama

(b)    La xiro ama  dacwad  lagu soo  oogo  qof kale oo xad-gudub   sameeyey  marka  la fiiriyo Sharcigan,   wuxuu  si aan dib-u-dhac   lahayn ugu daah-furi  doonaa xogtaas  askari  ama  sarkaal  ciidanka  amniga  ah.

  1. Ma jiro  wax ku jira  faqradda  laad ee qodobkan   oo  khasab  ka dhigaya  in la daah- furo xog dhawrsan.
  1. Dacwad  madani  ah iyo mid dembiyeed   toona  laguma  soo  oogayo,  qof   haddii uu xog ku daah-furay   niyad-sami,   marka  la furiyo faqradda  1 and  ee qodobkan.
  1. Qof  kasta  oo  u hoggaansami   waaya faqradda  1 and ee xeerkani  wuxuu  sameeyey xad-gudub,   wuxuuna   mutaysan   doonaa  xabsi muddo  aan ka badnayn  ilaa  3 (saddex) sano.

In  Loo   Raadiyo  Ama  La  Siiyo  Taageero   Kooxo   Argagixiso   Si Loo Fuliyo   Fal  Argagixiso

  1. Qof  kasta oo isagoo  og,   qaab  kasta:

(a)  Ugu raadiya   taageero,   amna siiya  taageero  agab ama ilo sida ku qeexan  qodobka   3aad ee Sharcigan,   urur  agagixiso;   ama si loo  fuliyo fal argagixiso;   ama

(b)  Qofkaasi  wuxuu  sameeyey  xad-gudub,   wuxuuna  haddii  aanu  falkiisu noqon mid halis  ah,  noqon   doonaa  mid  mutaysta  xabsi  muddo  ilaa 5 (shan)   sano ah.

2. Taageerada,  marka  la fiiriyo faqradda  1 aad  ee Qodobkan   waxaa  kamid  ah, balse  aan    ku koobnayn:

(a)   In  la oggolaado   in la bixiyo,  amna bixiinta dokumentiyo   safar  oo  la been  abuuray iyadoo  dokumentiyadaas    la siinayo xubin  ka tirsan  koox  argagixiso;

(b)   In  la oggolaado   in la bixiyo,  ama bixinta  xirfad  ama khibrad  looga  faa’iidaynayo, ama loo jihaynayo  ama lala sameynayo  koox  argagixiso  ah;

(c)  Gelidda   ama  ku negaashaha   dal si loogu  faa’iideeyo  iyadoo  amar laga helayo  ama xiriir lala leeyahay  urur  argagixiso  ah gudaha  iyo dibaddaba;  ama

(d)  Fal-dembiyeedyada    ku xusan   Xarfaha   a,  b  iyo  c  ee  farqadda   2aad ee qodobkan waxay isku si ugu  dabaqmayaan   argagixisada  Soomaalida  ah iyo ajnabigaba.

  1. Qofkaasi    wuxuu    sameeyey     xad-gudub,    wuxuuna    mutaysan    doonaa    xabsi    u dhaxeeya  10 (toban)   sano   ilaa  xabsi   daa’im.

Qodobka  18aad: U Adeegsiga Han  ti ama  Lacag si loo  Fuliyo   F alal Argagixiso

  1. Qof kasta  oo si ula-kac  ah:

(a)   Isticmaala   hanti  ama  lacag,  taos   ama  dadab,  gebi  ahaan  ama  qeyb  ahaan,  iyadoo ujeeddada  uu  ka leeyahayna  tahay  fulinta  ama  fududaynta in la fuliyo fal argagixiso; ama

(b)   Haysta  hanti  ama  lacag loola  clan leeyahay  in loo  adeegsado   ama  la ogyahay  in loo adeegsan   doono   ama  ay jirto  sabab  macquul   ah  oo  looga  shakiyo  in  loo  adecgsan karo, si taos  ah iyo si dadbanba,  gebi ahaan  iyo qeyb ahaan  ujeeddo  ah in lagu fuliyo ama lagu fududeeyo   fulinta  fal argagixiso.

  1. Qofkaasi wuxuu sameeyey   xad-gudub,    wuxuuna   haddii   aanu   falkiisu  noqon   mid halis ah, noqon  doonaa  qof mutaysta  xabsi muddo  dhan  10 (to ban)  ilaa  15 (shan   iyo toban)    sano.

Qodobka 19aad: Af-duubka  gaadiidka  cirka,  badda   iyo dhulka

1)     Qof   kasta  oo  saaran  diyaarad  hawada  ku  jirta kaasoo  maamulka  diyaaradda   kula wareega   xoog,   hanjabaad    sameeya   ama  nooc   kasta  oo   handadaad   ah,  wuxuu mutaysanayaa   ciqaab  xabsi oo  dhan  20 (labaatan)  sano   ilaa  xabsi   daa’im.

2)   Qof   kasta   oo  saaran   markab   ama  doon   kaasoo   maamulka  xoog  kula  wareega, hanjabaad   sameeya   ama  nooc   kasta  oo  handadaad    ah  haddii   aysan  ka  dhalan dembiyo   ka culus ujeeddadiisuna  tahay  argagixiso  wuxuu  mutaysanayaa   ciqaab  10 (toban)    ilaa  15 (shan   iyo  toban)   sano.

3)   Qof  kasta  oo gaadiidka  dhulka  af-duub  kula wareega  ama wax ku af-duuba  isagoo ujeeddadiisuna  tahay  fulin  fal argagixiso,  hanjabaad   sameeya  ama  nooc  kasta  oo handadaad  ah,  haddii  aysan  ka  dhalan   dembiyo   ka culus,  wuxuu   mutaysanayaa ciqaab  xabsi  oo  dhan  5 (shan) ilaa  10 (toban)   sano.

Xad-gudubyada  ka dhanka ah badbaadada    duulimaadyada rayidka    ah

  1. Qof kasta oo isagoo  og ku kaca mid  kamid  ah falalka soo socda:
  • a) Fal qalalaase  oo  ka dhan  ah qof  saaran  diyaarad  duulimaad Im jirta,  haddii  falkaasi ay suura-gal  tahay in uu halis gelinayo  badbaadada   diyaaraddaas;
  • b) burburinta   diyaarad   shaqaynaysa,    ama  in  la  sababo   in  dhaawac   hawl-gab    ka dhigaya ama halis gelin kara nabadgelyada diyaarad duulimaad  ku jirta soo gaaro diyaaraddaas;
  • c) in la dhex-dhigo  arna la sababo  in la dhex-dhigo   diyaarad  shaqaynaysa,  dariiqii  la doonaba   ha  la adeegsadee,   walax  ama  qalab  burburin   kara  diyaaraddaas,   ama  u geysta   waxyeelo   hakad   gelin   karta   duulimaadka,    ama   la  sababo   waxyeello   ay suura-gal  tahay inay halis geliso badbaadadeeda  inta ay duulimaadka  ku jirto;
  • d) in la burburiyo  ama la dhaawaco  agabka  hagista  diyaaradaha  ama la fara-geliyo  hawlihiisa,  haddii  fal noocaas   ahi  ay suura-gal  tahay  in  uu  halis geliyo badbaadada   diyaaradda  ku jirta duulimaad;  ama
  • e) in la sheego  war  qofku  uu ogyahay  in uu been  yahay, isagoo  markaa  halis  gelinaya badbaadada   diyaarad  ku jirta duulimaa
  • 2. Fal-dembiyeedkaas  waxaa lagu mutaysan  doonaa  ciqaab  xabsi oo  dhan 10 (toban) sano ilaa xabsi daa’irn.
  • 3. Qof kasta  oo u hanjaba  sarkaal ama garsoore,   iyadoo  jeeddaduna   tahay inuu  ku khasbo  ama ka hor-istaaga   sameynta   fal,  qofkaas  wuxuu  sameeyey  xad-gudub sida ku cad faqraddaha   l(a),   (b) ama (d) ee qodobkan,   haddii  hanjabaaddaasi   ay suura-gal  tahay in ay halis geliso ammaanka   diyaarad,  haddii  falkaasi noqdo  mid ujeeddadiisu   tahay  fal argagixiso,  waxay noqon   doontaa  hanjabaaddaasi mid lagu mutaysto   ciqaab xabsi  oo dhan  5 (shan)  ilaa 10 (toban)  sano  haddii  uusan  ka dhalan  dembi  ka culus.

Xad–gudubyada ka dhanka ah badbaadada garoornada u adeega duulirnaadyo rayid ah

  1. Qof kasta oo  ku kaca mid kamid  ah falalka soo  socda, isagoo  adeegsanaya  qalab kasta, walax ama hub,  haddii  falkaasi uu suura-gal  yahay in uu halis geliyo badbaadada   garoon  u adeegaya  duulimaadyo   caalami ah:

 

a) fal qalalaase  oo lagula kaco  qof  ku sugan  garoon  diyaaradeed   oo u adeegaya duulimaadyo  rayid ah (gudaha  iyo caalamiba)  taasoo  keeni  karta  ama  keenaysa
dhaawac  halis ah ama dhimasho;   ama
 

b)

 

in la burburiyo   ama  si aad ah loo waxyeeleeyo  agab uu leeyahay  garoon

diyaaradeed   oo  u adeegaya  duulimaadyo   caalami ah  ama diyaarad  aan ku jirin
shaqo  oo  taalla goobtaas  ama in la khalkhal-geliyo   adeegyada  garoonkaas
diyaaradaha;
 

2.

 

waxa lagu mutaysan   doonaa  ciqaab  xabsi  oo  15  ilaa 30 (shan iyo toban ilaa soddon) sano ah.

 

Awoodaha Baarista

Hor–qabatayntalagu sarneeyo adeegga isgaarsiinta

  1. Iyadoo  loo  eegayo arrimaha   soo socda  ama marka  ay cidi codsi uga gudbiso garsoore  maxkamad  gobol,  oggolaansho   ayaa la bixin  doonaa lagu  oggolaanayo   ama lagu  farayo  in  qofka  ay ku  socotaa   uu  hubiyo   mid  arna  ka  badan   oo  arrimaha   soo socda  ah:

a) Hor-qabatayn    la sameeyo  inta uu socdo  xiriirka loo adeegsanayo   adeegga boostada  ama nidaam  isgaarsiineed  xiriirka ku tilmaaman   oggolaanshaha;

b) Bixinta  kaalmo  noocaas  ah ama nooc  hor-qabatayn  lagu sameeyo  xiriir sida  ku dhigan  heshiiska  caalamiga  ah ee is-garabsiga;   ama

c) Daah-furka  wax kasta oo  lagu helay hor-qabatayntaas  la oggolaaday  ama lagu dalbay oggolaanshaha   hor-qabataynta  xog-xiriireedka   oo  nooc  kasta  ah.

  1. Haddii  dhaqso  loogu  baahdo,  waxaa  oggolaanshaha   saxiixi kara saraakiisha  ku xusan qodobka  21 and faqraddiisa  s balse waa in uu 24 saac gudahood   ku oggolaado   garsoore maxkamad  gobol.
  • Garsooruhu  ma  bixinayo  oggolaanshahaas   haddii  aanu  ku qanacsanayn:

a) In oggolaanshuhu   u danaynayo  amniga  qaranka  ama loo  adeegsanayo   ka hortagga  ama  ogaanshaha dembiyo  halis  ah ama leh ujeeddo  lagu ilaalinayo dhaqaalaha  Soomaaliya;  iyo

b) Waxa lagu oggolaaday  oggolaanshuhu   waa in uu noqdo mid  u qalrna wixii la rabay in lagu gaaro.

Fiiro  dheeraad   ah waa in loo yeesho  haddii:

a) Oggolaanshaha  ay ka dhalanayso  in hor-qabatayn   loo galo  sharci ahaan xiriiro  dhawrsan;

b) Haddii  ay suura-gal  tahay in oggolaanshaha   ay ka dhalato  in la hor qabateeyo   xog wariyenirno  oo  sir ah taasoo  ay ku jirto wax lagu helay ama loo abuuray  ujeeddo wariyenimo lalana damacsanaa  in sir ahaan  loo  hayo;

c) Xog sir ah oo gaar ah ama shakhsi  oo la xiriirta  caafimaadka  maskaxeed ama jireed  ama talo  ruuxi  ah;

d) Xaaladaha noocaan   ah garsooruhu  wuxuu  tixgelin doonaa ama gorsooruhu  waa in uu tixgeliyo qiimeyn  lagu sameynayo  sida xog noocaas ah lagu  hor-qabataynayo    marka  go’aan  laga gaarayo  arrirnaha   ku  taxan  3(a) iyo(b)  ee sare  ku xusan.

5. Oggolaansho   hor-qabatayn  isgaarsiineed  waxaa lagu bixin  karaa oo  keliya haddii Mas’uuliyiinta  hoos  ku cayiman  ama magacooda lagu soo  codsado:

  • a) Agaasirnaha   Guud  ee Hay’adda   Sirdoonka  & Nabad-sugidda  Soomaaliyeed;
  • b) Taliyaha  Ciidanka Booliska  Somaaliyeed;
  • c) Agaasimaha  Guud  ee Socdaalka  iyo Jinsiyadaha   Soornaaliyeed;   ama
  • d)   Taliyaha  Ciidanka  Xoogga  Dalka  Soomaaliyeed.

6)   Codsiga  waa in lagu qeexo  tihnaanta xiriirada  la rabo  in hor-qabatayn lagu sameeyo,   faahfaahinta cidda  adeegga  bixisa iyo sharaxaad  ku saabsan  sababta hor-qabatayntaasi  muhiim u tahay. Codsiga  waa in sidoo  kale lagu daro  ballan qaad in wixii lagu helo  hor-qabatayntaas   loola macaarnilayo  hab waafaqsan   Qeyb-hoosaadka   11  iyo 12  ee hoose.

7)   Haddii    nuqul    oggolaanshahaas      ah   loo    geeyo   qofka    ku   xusan    oggolaanshaha, qofkaas  nuqul  isla oggolaanshahaas    ah wuxuu  geyn  karaa cidda la is- leeyahay gacan  ayey ka geysan  kartaa  arrinta.

8)    waxay    noqonaysaa    mas’uuliyadda     qofka    oggolaanshaha      la   siiyey   inuu    qaado tallaabooyin   lagu  dhaqan-gelinayo    oggolaanshahaas   hadba  sidii suura-gal   ugu ah.

9)    Qofka  si ula-kac  ah aan ugu hoggaansarnin   xilkiisa ku xusan  qeyb-hoosaadka

wuxuu  noqon  doonaa  mid gefay wuxuuna  mutaysan  doonaa  haddii  ay ku  caddaato ciqaab  xabsi oo aan ka badnayn  3 (saddex) bilood ama ganaax  dhan  US$5,000(shan kun  doolarkaMareykanka)ama labadaba.

10)   Oggolaanshaha       hor-qabatayntu     wuxuu     noqon     doonaa     mid     shaqeeya     keliya muddo   3 (saddex)  bilood  ah. waxaa  kordhin   kara muddada   maxkamad   awood  u leh iyadoo  ku dari karta  3 (saddex)  bilood  oo kale haddii  codsi  ay hesho.           Garsooraha rnaxkamadda   awoodda   lihi waa in uu ku qanco  in kordhinta   la  raadsaday   ay  tahay mid  muhiim  ah lana jaan-qaadaysa  qeyb-hoosaadka   3 iyo 4 ee sare ku xusan.

11)  Waxay noqonaysaa   mas’uuliyadda   codsadaha   in uu hubiyo,  marka laga xaaladaha  ku xusan  qeyb-hoosaadka    12 ee hoose,  in: reebo

a) Tirada  dadka  xogta  la helay la  tusay ama loo  daah-furay;

b) ilaa xadka  xogta  la helay la baahiyey  ama la wadaagay;

c) In lagu koobo  inta ugu yar ee u muhiimka  ah ujeeddadii  loo  oggolaaday isla marka  xogtaa  la ururiyey  ay dhaafto  goortii  ay muhiimka   ahayd,  waa   in la baabi’iyo  nuqul  kastana  la tirtiro.

12)  Codsadaha   waajib    kama    saarna    in   uu   buuxiyo    shuruudaha     ku   xusan    qeyb• hoosaadka   11 aad    (a)  iyo   (b)  haddii   lagu  wareejiyo    xogta   dawladaha    shisheeye    iyo hay’adaha    amniga   ee  caalamiga   ah,  waxaase   xil  ka  saaran    yahay  in  uu  fiiriyo  in Dawladahaas   leeyihiin  shuruudo   noocaas   ah iyo in ay leeyihiin  dhawrsanaanshaha     ku sugan  faqradda   l””d marka   la  fiirinayo  in  loo  daah-furo    xogta  hor-qabataynta   loo galay maamulkaas   shisheeye.

13)  Xog  kasta  oo lagu helay hor-qabataynta  xiriirna  la leh dacwad  waxaa loo   adeegsan karaa  caddeyn  ahaan  maxkamadda   dhexdeeda.

14)   Haddii  si ula-kac  ah loo  adeegsado   qaab  khaldan  ee awoodaha   ku jira Falkani  wuxuu noqonayaa   xad-gudub   lagu mutaystan   karo  ciqaab  xabsi  oo  dhan  3 (saddex) bilood arna   ganaax   dhan   US$5,000  (shan  kun   doolar  oo  Mareykan ah    ama  Shillin Soomaali u dhigma) ama labadaba.

  Awoodaha Xirista

1)   Sarkaal  kasta  oo  ka  tirsan  ciidamada   amniga  qof  waa  xiri  karaa  isagoo   aan  haysan oggolaansho   maxkamadeed    haddii  uu  hayo  sababo  macquul  ah oo  abuuraya  tuhun  ah in  qofku   sameeyey,  sameynayo   ama  uu  sameyn  rabo  fal-dembiyeed   marka  loo  fiiriyo Xeerkan.

2)  Qofka  xeerkan   lagu   qabtay   waxaa   la  hor   keeni   doonaa    maxkarnad    awood   u  leh rnuddo   48 saacadood   gudahood   ah ama  maxkamadda   ugu  dhow  halka  qofkaas   lagu qabtay.

3)   Marka   qofka   la  tuhunsan    yahay   la  hor   keenayo   maxkarnadda,     sarkaalka   amnigu wuxuu  u gudbin   doonaa   garsooraha  warbixin   kooban   oo rnuujinaysa:

a) xaqiiqooyinka   dacwadda   iyo sababta  xarigga;

b) guud  ahaan  caddayrnaha   la hayo;

c) tilrnaan guud  oo ku saabsan  baarista  la sarneeyey  ilaa hadda  iyo baarista  la soo  jeedinayo  in la sarneeyo;  iyo

d) sababaha   lama-huraanka    ka dhigaya  in  la  sameeyo   muddo-kordhin   baariseed   si la-tuhunsanaha    loogu  sii hayo  xarunta  baarista.

4)  Tallaabo  kasta oo uu qaado  garsooruhu   hab waafaqsan   waxyaalaha  qodobkani   dhigayo waxaa  sida ugu  dhaqso   badan  uu  ugu wargelin  doonaa  Xafiiska  Xeer-ilaaliyaha   Guud, sarkaalka  qofka  xiran  keenay  garsooraha   hortiisa.

 

Xarigga iyo Amarka xabsi-u-gudbin

1)      Maxkarnadda   qofka  xiran  loo  horkeenay   hab  waafaqsan   qodobka   sare  ee sharcigan, waxay  amri  kartaa  xabsi-u-gudbin    ku-meel-gaar   ah si qofka  la tuhunsan   yahay loogu sameeyo  baaris  ka hor  inta  aan dacwad  lagu soo oogin.

2)   Maxkamad   awood   u leh  ayaa oggolaan  karta  xarigga  noocaas   ah si baaris  dheeri  ah loogu  sameeyo,  marka  ay codsi  ka hesho  dembi-baare   oo sheegaya:

a) In ay jiraan   sababo   meel-mar   ah oo  lagu  rurnaysan   karo  in  xabsiga  oo  lagu  sii hayo  qofka  codsigu   khuseeyo   ay muhiim   u  tahay  in la  helo  xogta  loo  baahan yahay iyadoo  rnarkaas   la su’aalayo  ama la ilaalinayo  xogaha  loo baahan  yahay; iyo

b) Baarista lagu  sarneeyey  qofka  arrintu   khusayso   ay tahay  mid  loo  sameeyey    si wanaagsan   oo dhaqso  3)  arrin kasta  oo  baaris  lagu sarneynayo  qofka  la tuhunsan   yahay  si  loo  dhammeystiro baarista    waxay   noqon    doontaa    ugu  badnaan    90  (sagaashan)   maalmood,    iyadoo shuruuddu   tahay in wadarta  tirada  maalmaha   la  haynayo  qofka  inta  aan dacwad  lagu soo  oogin   aanay  ka  badnaan   karin  90  (sagaashan)    rnaalrnood,   haddii  aan  muddo kordhin   laga helin  maxkamad   awood  u leh.   Toddobaad  kasta  waa  in maxkamadda lagu  wargeliyaa   halka   dacwaddu   marayso,   iyadco   maxkamadda    laga  codsan   karo muddo-kordhin   macquul  ah.

4)    Maxkamad   awood  u leh ayaa sii dayn karta qofka  laga  bixiyey amarka  xariggiisa  ee ku jira qodobkan   haddii:

a) aanay jirin  sabab  macquul  ah oo lagu aarnino  in qofka la tuhunsan   yahay ku kacay ama ku lug  lahaa si kastaba  wax fal-dembiyeed   ah marka  la fi.iriyo xeerkan;   ama

b) aanay jirn  dacwad  lagu  soo  oogay qofka  la tuhunsan   yahay taasoo  la leeyahay ruxuu   fuliyey dembi  marka  la  fiiriyo  xeerkan  muddo  aan ka badnayn  60 maalmood   gudahood   laga soo bilaabo  taariikhda  amarka xar1gga.

5)   Qof  kasta  oo  la xiray codsiguna   uu khuseeyo  wuxuu  xaq u yeelanayaa  in uu sameeyo   matalaad  qoraal  ah ama afka ah taasoo  uu ka horjeedinayo   maxkamadda wuxuuna  xaq  u yeelanayaa  garyaqaan  sharci  oo matala  inta         dhegaysiga  dacwaddu socoto  haddii  aanay maxkamaddu   ku qancin,  iyadoo  uu sidaas  codsanayo sarkaal,  in  xogta  lagu taageerayo  codsiga  aan la siin qofka  xiran ama garyaqaankiisa mid kamid  ah sababahan   soo  socda  awgood:

a) Caddeynta  dembigan  marka  la fiiriyo xeerkan  la fara-gelin  karo  ama la waxyeelayn  karo;

b) Xarigga,  dacwad-ku-soo-oogidda     ama dembi-ku-helidda    qofka  la tuhunsan   yahay marka  la  fiiriyo xeerkan  in ay adkaanayso   haddii  xog uu sii helo;

c) Ururinta   xogta  la xiriirta   fulinta,  diyaarinta  iyo sameynta  fal argagixiso   in la  fara-gelin  karo;

d) Qofka  in la handado   ama jir  ahaan  la dhaawaco;

e) In xogtani  ay caqabad  ku tahay hantida  loo hayo  baarista  xad-gudubkan    marka  la fiiriyo xeerkan;  ama

t) Ka-hortagga   fal argagixiso  ayaa wuxuu  noqonayaa   mid adkaada  haddii qofkan  la sii baraarujiyo.

Qaadista    Astaamaha   Faraha  iyo Muunadaha

  • 3. Qofka   la tuhunsan   yahay  waa  in  lagu  wargeliyo  in  caddeynta   laga  helo  loo  adeegsan doono  baarista   fal-dembiyee
  • 2. Haddii  qofka  xiran  da’diisu  ka yar tahay  18  (siddeed  iyo toban)   sano  jir, oggolaanshaha waa in laga  helo  waalidka  ama mas’uulka   qofka  xir  Haddii  qofka  la xiray  ee ka yar  18 (siddeed   iyo toban)   sano  jirka  aanu waalid  lahayn  ama cid ka mas’uul   ahi jirin,  maxkamad awooddeeda   leh ayaa ka noqonaysa  mas’uul.
  • e) Muunad laga qaado  qeyb jirka  kamid  ah oo aan sida  caadiga  ah loo  arki karin  in ay tahay qeyb gaar ah oo jirka
  • d) Candhuuf   laga qaaday  afka;  iyo
  • c) Muunad  laga qaado  ciddi ama ciddida  hoosteeda;
  • b) Muunadda   timaha;
  • a) Faraha  ama raadka  maqaarka  lugihiisa ama qeyb kamid  ah jirkiisa;
  • Sarkaal  amni  oo  u  xilsaaran  baarista   wuxuu  muunadahan     soo   socda  ka  qaadi  karaa qofka  la tuhunsan   yahay:
  • Muunadahan  soo  socda  waxaa  laga qaadayaa  qofka  la tuhunsan   yahay,  hab  waafaqsan faqradda  2″”d ee sare

a) Muunad  kasta  oo  dhiig,  nude,  dheecaan  (dareere)  ama tirno;

b) Muunad  kasta  oo laga qaado  dalool-jireed   marka  laga reebo  afka;

c) Muunad   kasta oo laga qaado  qeyb kasta  oo jirka  ah oo loo  aqoonsan   karo qeyb gaar ah oo jirka ka tirsan;

d) Kaadi;  ama e)      Gaws.

5.Muunad    kasta  oo lagu  qaaday  hab  waafaqsan  faqradda   4(a)  ilaa  (c)  ee sare ku     xusan waa in uu qaadaa  shaqaale  tababar  u leh xirfadahan.

  1. Sarkaal darajada   uu  doono  leh ayaa qaadi kara muunadda   ku xusan  qodobka  (d) iyo(e).
  1. Haddii oggolaanshaha   qaadista  muunadda   ku xusan  faqradda  4 nod  ee sare la diido

iyadoo  aanu  sabab  macquul  ah bixin qofkaasi,  dacwad  kasta oo ka        dhan  ah qofkaas   oo ku saabsan   fal-dernbiyeed   maxkarnad  loo  gudbiyey,       maxkamaddu:

 

(a) Marka  la go’aaminayo   haddii  ay jirto dacwad  ay tahay in laga ja waabo,     waxaa laga
yaabaa in ay tixraac  ku samayso   diidmadaas   sida ay hadba  ugu muuqato mid
qumman;  1yo

(b) Marka  la go’aaminayo   in qofku  dembiile  yahay marka  la fiiriyo dembiga  lagu oogay,

waxaa  tixraac lagu sameynayaa  diidmada  hadba  sida  ay u   qumanaato arrintaasi.

8 ..    Adeegsiga  muunadda:    faraha  amna muunadda   lagu qaaday  qaab  qodobkan    waafaqsan iyo  xog kasta   oo lagu  helay muunadahan    waa la haynayaa,   cidina  uma  adeegsan  karto ujeeddo   ka duwan  baarista   argagixisada   ama ujeeddooyin    la xiriira ka-hortagga   ama  ka war-helka  fal-dembiyeed   kasta,  baarista   fal- dembiyeedka   arna dacwad-oogista.

Hubinta Dekadaha iyo Xuduudaha

  1. Haddii  qof ku lug leh fal argagixiso:

(a)    uu ku sugan  yahay deked  ama meel  xad ah; ama

(b)   markab   dushiisa   ama  diyaarad  codsi  ka soo  gudbistay    meel  kasta  oo  kamid  ah Soomaaliya  gudo  iyo dibad  kii uu doonaba;   iyo

(c)     sarkaal   hubineed    uu  aaminsan   yahay  in  joogista   qofkaas   ee  dekedda   ama xuduuddu   ay xiriir la leedahay  gelidda iyo ka-bixidda  Soomaaliya, markab  dushiisa  ama diyaarad  codsi  ka soo gudbistay  meel  kasta  oo  karnid ah Soomaaliya  gudo  iyo dibad  kii uu doonaba.

  1. Sarkaal  amni  wuxuu   adeegsan   karaa  awoodihiisa   ku xusan  qodobkan   ha u  muuqato amna  yaanay   u  muuqan    sabab   uu  uga   shakin   karo   in  qofkaasi   xiriir  la  leeyahay sameynta,   diyaarinta  ama  fududaytnta   fal argagixiso.
  2. Qofka  lagu wareystay   hab waafaqsan   Qodobkani   waa in uu:

(a)   siiyo sarkaalka  hubinta   xogta  uu hayo ee sarkaalkaasi   codsaday;

(b)   siiyo sarkaalka  hubinta   marka  uu codsado   baasaaboor    shaqaynaya   oo  sawir wata ama dokumenti   kale oo  sugaya aqoonsigiisa;

( c)   caddeeyo   in  uu hayo  dokumentiga   uu cayimay  sarkaalka  hubintu;   iyo

(d)   siiyo  sarkaalka   hubinta    dokumenti    kasta  oo  uu  sito   oo  ah  nooca   uu  cayunay sarkaalka.

  1. Qofka  lagu xiray hab  waafaqsan   faqraddani,   haddii  aan  awood  kale lagu xirin,  waxaa lagu sii dayn  doonaa  muddo   aan ka badnayn   9  (sagaal)   saacadood   marka  laga bilaabo goortii  hubintiisu   bilaaba
  2. Si uu isaga  qanciyo  in  ay jiraan   dad  uu  rabo  in  uu  su’aalo  weydiiyo  hab  wafaaqsan faqradda  kowaad  ee sare,  sarkaalka  hubintu   wuxuu  baaris ku sameyn  doonaa:

(a)    markab  ama diyaarad;

(b)   waxa  saaran  markabka  ama diyaaradda;  ama

(c)    wax kasta  oo uu rumaysan  yahay in ay markabka  ama diyaaradda  saaran  yihiin.

  1. Sarkaalka  baaraha   ah  ee  su’aal   weydiiya  qofka  hab  waafaqsan    faqradda   1 and , wuxuu   si   uu  u  go’aamiyo   in  uu  yahay  qofka   ku  lug  lahaa   diyaarinta,   fulinta   ama fududaynta   falka  argagixiso:

(a)    baaris  ku sameyn  doonaa  qofka;

(b)   in  uu  baaro   wax  kasta   oo  uu  sito   ama  uu  leeyahay   ee  saaran   diyaaradda   ama markabka;

(c)    in  uu baaro  wax kasta  oo  uu  hays to ama leeyahay  ee sarkaalka  baaristu  u arko  in uu saarnaa  ama la saarayo  diyaaradda  ama markabka;  iyo

(d)   in uu baaro  gaariga  saaran  markabka  ama diyaaradda  ama la saari rabo  midkood.

  1. Sarkaalka  baaristu   wuxuu    hubin   karaa   alaabaha   qodobkani    ku  dabaqmo    si   uu  u go’aamiyo  in loo adeegsaday  fulinta,  diyaarinta  arna  bilaabista  falal argagixiso.
  1. 8. Sarkaalka baaristu  wuxuu  kori  karaa markab  ama diyaarad  ama wuxuu  geli karaa  gaari si  uu   u  go’aamiyo    in  uu  adeegsan    karo   awoodihiisa    ku   aaddan   qaab   waafaqsan qodobkan.
  1. Sarkaalka baaristu  wuxuu   qaban  karaa  wax  kasta   isagoo  waafajinaya   faqradda   3aad  (d) ee sare, ama wax kasta  oo la baaray  ama lagu helay baaris  hab waafaqsan   faqraddaaas  ee sare  ama lagu hubiyey  faqradda  6aa0   ee sare:

(a)   si uu  u  baaro   muddo   aan  ka  badnayn   toddoba   maalmood    oo  ka  bilaabanaysa maalinta  qabashada   alaabta  bilaabanto

(b)   haddii  uu aaminsan   yahay in loogu  baahan  karo  in loo  adeegsado   caddeyn  ahaan;

( c)   Haddii  uu  aarninsan  yahay  in  loo  adeegsan   karo  qaab  xiriir  la leh  awoodda   Wasiirka

Amniga  Gudaha   ee looga  saarayo  dalka Soomaaliya.

10.Ujeeddooyinka     Qodobkan

(a)   “Sarkaalka Baarista”waxaa    loola  jeedaa mid kamid  ah kuwan  soo  socda:

  1. i) Sarkaal Boolis
  2. ii) Sarkaal Nabad-sugid

iii) Sarkaal laanta  socdaalka  ka tirsan,ama iv) Sarkaal Canshuuraha    (Customs).

(b)  “Deked”   waxaa  ku  jira  gegida  diyaaradaha,     Goob   waxaa  loola  dhaqmi   doonaa deked  ahaan   haddii  sarkaal  baariseed   aaminsanyahay   in  qof  u  tago  si uu  u  koro ama uga dego   markab  ama diyaarad.

(c)    ”Xad”  waxaa loola  jeedaa  xuduudda  badda,  berriga  iyo hawada  ee Dalka Soomaaliya.

11.Qofka   wuxuu   noqonayaa    mid   xad-gudub    sameeyey   haddii  uu  si  ula-kac   ah  u  hor• joogsado   ama u carqaladeeyo   baarista  ama hubinta  ku sugan  faqraddaha    4,  5, 6  ama  7 ee sare waxaanu  noqonayaa   mid mutaysta  ciqaab xabsi oo dhan  ilaa 2 (laba) sano.

Aqoonsashada

sarkaal amni  ayaa qaadi  kara tallaabo  kasta oo muhiim  u ah:

a) sawir ka qaadista qofka xiran b) cabirka  qofka  xiran,  ama c) aqoonsashadiisa

Faqradda    kowaad   ee  sare,   ‘sarkaal   oggolaansho     haysta’   waxaa loola jeedaa

a) Sarkaal Amni: ama mid  kasta  oo kamid  ah kuwan  soo  socda:

b) Cid oggolaansho ka haysata  ama ay u xilsaaarto  \Xfasaaradda  Amniga  Gudaha

Awoodaha Dheeriga  ah  iyo Xeerarka  Isku-Dhafan

La-wareegidda  markii dembi   lagu  helay : Haddii cid hab  waafaqsan   Sharcigan   loogu  soo  oogo  dembi,  laguna   xukumo   si kama dambays  ah, Maxkamaddu waxay  amar  ku bixin  kartaa  in  hanti  kasta  oo  loo adeegsaday  qaab  la xiriira argagixiso  ama lagu helay dembigan fulintiisa  ama abaal-gud ahaa   fulinta   dembigaas,    in   lagu  wareejiyo   dawladda.   Maxkamaddu     amarkan    ma bixinayso   iyadoo   aan  la  sameyn   baaris  macquul   ah  oo  lagu  sameynayo   hantidaas iyadoo    aanay    maxkamadduna      sameynaynin     amar    noocaas     ah,sababta     oo    ah maxakamadda    oo   aan  siinin  fursad  lagu dhegeysto   qofkii  dani  uga  jirtay  (wax  ku leh hantida  si taos  ah iyo si dadbanba).

  1. Hantida  lala wareegay   dawladda   ayaa   yeelanaysahaddii   aan  cid  kale  oo  sheeganaysa aysan ka qaadan  racfaan  maxkamadda   muddo   90 (sagaashan)maalmood    gudaheed   ah
  2. La-wareegista  –  Guud ahaan

Xafiiska  Xeer-ilaalinta     Guud    ee   Qaranka    wuxuu   weydiisan    karaa   maxkamadda awoodda   u  leh  la-wareegidda   hanti  lagu   milkiyey  ama  lagu  maamulo   magaca   koox argagixiso  ah  ama  loo  adeegsado   ama  loola  dan  leeyahay  adeegsiga  gabi  ahaan   ama qeyb ahaan  fulinta  fal argagixiso.

Codsigu wuxuu  noqon   karaa  mid  lagu wargeliyo  cidda  ay khusayso  iyo  qof  kasta  oo kale kaasoo  marka  la fiiriyo maxkamadda   ay tahay  qof  danaynaya  hantida  kaasoo  isla markaana  la siin doono fursad  lagu dhegaysto.

Qof kasta  oo  dani uga jirto  hantida  isla markaana   aan la siin wax ogaysiis  ah marka  la fiiriyo faqradda  z= ee Qodobkan,  wuxuu  codsi  u goran  karaa Maxkamadda   awoodda u leh si loo baajiyo  amarka  60 (lixdan)  maalmood   gudahood  oo ka bilaabanaya  goorta amarka  la bixiyey.

Xanibaadda Hantida

Xafiiska Xeer-ilaalinta   Guud   ee Qaranka wuxuu  codsi  u  gudbin  karaa  Maxkamadda awoodda   u leh  isagoo  dalbanaya  in  si ku-meel-gaar   ah loo  joojiyo  arrimaha   la xiriira dhammaan   lacagaha  ama  hantida  kale ee ay leedahay,  cid ku leedahay  ama  lagu hayo magaca:         Qof  lagu  xukumay   ama  hadda  lagu  xukumayo   Falkan;  ama    qof  kasta  oo kale oo  la cayimay.

2. Xafiiska   Xeer-ilaalinta    Guud   Qaranka  wuxuu   codsi   u  gudbin   karaa  Maxkamadda awoodda u leh  isagoo  dalbanaya  in si ku-meel-gaar   ah  loo  joojiyo   arrimaha   la xiriira dhamrnaan   lacagaha   ama  hantida  kale ee ay leedahay,  cid  ku leedahay  ama  lagu hayo magaca:

(a)     Koox  argagixiso  ah;

(b)     Qof  mucayan  ama gaar ah oo looga  shaki qabo  in uu xubin  ka ya.hay koox argagixiso  ah, ama

(c)     Qof  kastoo  kale oo la cayimay.

  1. Amar  la bixiyey iyadoo  la adeegsanayo  Qodobkan wuxuu:

(a)     ka mamnuucayaa cid kasta in ay lacag ka samayso  ama hanti  kale oo ay ka faa’iidaysan  karaan  kooxda argagixisada  ah ama cidda  looga  shaki gabo;

(b)     Tilmaarnayaa  qaabka  loo bixinayo  awoodda  lacag  looga  sarneynayo  arna hanti  kale dadka  noocaas  ah iyo shuruudaha   lagu qeexayo  amarka;

(c)      Dalban   karaa qofka  in uu bixiyo xogta  ama uu soo saaro  dokurnentiyada ama rikoodhada qaab macquul  ah loogu  arko in loogu  baahanyahay baarista  xad-gudub   marka la fiiriyo Xeerkan;  ama

(d)     In lagu darn  shuruudaha  kale ee ay hadba  maxkamaddu soo rogto.

  1. Xeer-ilaaliyaha   Guud ee Qaranka wuxuu: (a)  Ogaysiis  ka siin doonaa   amarka:

(i)      Bangiyada,  hay’adaha  maaliyadda  iyo kuwa ka ganacsada  lacagacaha caddaanka  ah;

(ii)     Cid kasta  oo kale oo  danaynaysa  amna saarnayn  ay ku yeelanayso arrintu;  iyo

(iii)     qof kastoo  kale  oo uu garanayo  ama uu tuhunsanyahay    in ay hayso  ama xaq ku leh hantida  ay leedahay  arna lagu hayo  magaca kooxda  argagixisida  ah ama cid lagu tuhunsanyahay.

  1. Amarka  lagu  bixiyey  hab  waafaqsan   Qodobkan,    waxay  muddadiisu  ku  egtahay   30 (soddon)    maalmood    laga  bilaabo   markii  amarka  la bixiyey,  haddii  aan  maxkamadda awoodda   u  leh,  intii  ay  dhegeysatey   dhinacyada   ka  dib,  aanay  amar  kale  bixin  oo sidaas  ka duwan.

Ku-Dhawaaqidda Koox Argagixiso ama  Cid La Cayimay

  1. Haddii  wasiirka  wasaaradda   u xilsaaran   amniga  gudaha  uu hayo  sabab   macquul  ah oo uu  ku  aamino   in  koox   mucayan   ahi  ay  ku  lug  leedahay   hawlo   argagixiso,  wuxuu, isagoo   cuskanaya   xog  sugan  oo  ay u  soo  gudbiyaan   taliyeyaasha   hay’adaha   amniga Soomaaliyeed,    isagoo   wargelinaya   cidda   ay  khusayso,    wuxuu   ku  dhawaaqayaa    in kooxdaasi   tahay koox  argagixiso  ah iyadoo  la raacayo Xeer
  1. Qof kasta  oo dhib  ka soo gaaro  go’aanka  waasiirka  marka  la fiiriyo Qodobkan,   wuxuu codsi   u  qoran    karaa   Maxkamadda   Sare   si  ay  wax   uga   qabato   isagoo   sidaa   ku sameynaya  (90)  sagaashan   rnaalrnood  gudahood  oo  ka soo   bilaabmaya   taariikhdii   la daabacay  amarka  ama  faafiyay.

Oggolaanshaha Guud  Ee Adeegsiga  Nuqullada 

Habraac ama fal-dernbiyeed  kasta ee ku saabsan   Sharcigan,  dokumenti  kasta  oo  loo oggolaan   karo  in  uu  markhaati   galo  marka  la  soo   saaro,  nuqul  kasta  ama  wax kasta   oo  laga  soo   dheegtay   dokumentigaasi  wuxuu   noqon   karaa  mid  markhaati gala iyadoo  shuruuduna   noqonayso  in uu yahay nuqul  la hubiyey  ama  dheegasho ama loo  shardiyeeyo  in uu saxiixay oo  caddeeyey  dhabnimadiisa  sarkaalka  nuqulka asalka ah lagu aaminay  iyadoo  looga  baahan  yahayna  sarkaalkaas  in uu siiyo nuqul la  caddeeyey    a.ma  dheegasho    qof   kasta   oo   ku  dalbada   muddo    macquul    ah gudaheed,   iyadoo  qofkaasina  uu bixinayo  xaddi lacageed  oo macquul  ah.

Caddeyn    Shahaado

Iyadoo la raacaya  sida ku cad qodobbada    157   ilaa 161   ee Xeerka  Habka  Ciqaabta  (ee la  xiriira  a.ragtida/ fikradda   khabiirka),    dacwad   kasta   oo  la  xiriirta  Sharcigan,   su’aal ayaa ka timaadda   in wax  kastaa  ama walaxi  tahay  hub,  halis,   walax  shucaac   leh  ama walax halis  ah,  kiimiko  sun  ah ama hub  bayooloji   ama  sun,    caddeyn  lagu  sheegay  in ay  saxiixeen   cid  ku  habboon    oo   sheegaysa    in  shayga   ama  walaxda   lagu  sheegay caddeyntu   ay tahay  hub,   halis,   walax  shucaac   leh  ama  halis  ah,   sun  ah  a.ma walax bayooloji,   waxay noqon   doontaa  mid  la oggolaado   caddeyn  ahaa~iyadoo   aan wadan caddeynta   saxiix  ama  awoodda    qofka   u  muuqda   in  uu  saxiixay   waxaanay,   haddii caddeyntu    maqan    tahay   taa   ka   soo   hor-jeedkeeda,     noqon    doontaa    caddeynta xaqiiqooyinka   lagu sheegay  meesha  dhexdeeda.

Cidda ku habboon   waxa lagu qeexi doonaa  xeer-nidaamiye

In La Oggolaado Caddaymaha Elektaroonkiada ah iyo

Hababka Casriga  ah

Habraac ama fal-dembiyeed   kasta  ee ku saabsan  Sharcigan,  caddeynta elektaroonikada    ah   iyo   hababka    baarista   waa   la   oggol   yahay   in   loo   soo bandhigo   caddeyn   ahaan  iyadoo   shuruudduna   tahay  in rsooruhu   ku  qanco caddeyn-nimada  maragga  lagu caddeeyey  hubin  ama tasdiiqin  af ah ama qoraal ah  oo  laga helayo  qof  aqoon   toos   ah  u  leh  qaabka   caddeyntaa   lagu  abuuray ama markhaati   loo  tixgeliyo in uu khabiir  ku yahay takhasuskiisa.

Qodobkan  dartiis, erayadan  soo  socda waxay yeelan  doonaan   macnahan:

‘Khabiir‘ qof  muujin   kara  in  uu  leeyahay,  isagoo   darsay  atna  khibrad   u  leh awgeed,  khibrad   ku ftlan  oo  ku saabsan  arrinta  laga hadlayo  isagoo  bixin  kara fikrad  khibrad   xambaarsan    oo gacan  ka gaysan  karta  xallinta  arrinta   dacwada tnaxkamadda   hortaal.

‘Caddeymaha  Elektaroonikada   ah‘  waxa   ku   jira   inkasta    oo   aanay   ku koobnayn     sawirro;    kayd   lagu   sameeyey   kombuyuutaro     kuwaas   oo   aan   u baahnayn   in  aadane  wax  ku  daro   xogta   la  rikoor   gareeyo   marka   laga  tago diyaarinta   barnaamijka,   rakibaadda   iyo  dayactirka   qalabka;   kaydka  muuqaalka ah  iyo  kuwa  maqalka   ah;  soo  dejinta  (downloads)   lagu sameeyey   telefoonada gacanta,  iyo qalabkakale  ee war-isgaarsiinta.

‘Hababka Baarista‘ waxa  ku mid  ah  sida;   lafa-gurka   faraha  la sawiray, lafa-gurka   hidde-sidaha    (DNA),    goobta   uu  yaallo   teleefanka    gacanta, lafa-gurka maqal  iyo muuqalka  ah,  baarista  goobta  dembigu  ka dhacay,  baarista  sawirrlada la   xiriira, lafa-gurka     calaamadaha     qoryaha    gacanta    iyo    qalabka,lafa-gurka gumacyada,   baarista  maydka,  dabagalka   lafa-gurka  kiimikada,

  1. Haddii  laga dhaliyo  caddeynta   qalab  elektaronik   ah ama  mid  gacmeed,   marka la caddeeyo  in qalabkaasi  “xaalad  shaqo  oo  caadi ah”  ku suganyahay,  waxa loo arki  doonaa,   ilaa  inta  laga  caddeynayo   taa  lidkeeda,   in  uu  ku  sugnaa  xaalad shaqo  oo wanaag-san marka  la fiiriyo xaaladda  ay khusayso .

 Awoodda Qaadista Dacwadaha Xeerkan:

1-   Maxkamadaha   rayidka   ayaa  leh   awoodda    qaadista   dacwadaha    ka  dhasha    fal-dernbiyeedka   argagaxisada  ee uu Xeerkani  tilmaamayo.

2-   Cid  kasta  oo  ay caddaato   in  ecdaynta  loo  soo  jeediyey  aysan  aasaas  lahayn  kana soo  gaarto   waxyeello-sharafeed     iyo  hantiyeed,   wuxuu   xaq  u  yeelanayaa,   raalli- gelin, mag-dhaw u dhigma  dhibaatada   gaartey.

Baabbi’in

Waxaa   la  baabi’iyey   dharnmaan    wixii  sharci  ah  oo  ka  soo  horjeeda   ama  aan  la  socon karin  xeerkan,   marka  laga  reebo   shuruucda   caalamiga  ah  oo  ay dawladda   Soomaaliyeed aqoonsan   tahay.

  Dhaqan-gal

Xeerkani    wuxuu    dhaqan-gelayaa   marka    uu   ans1xiyo   baarlamaanku     oo    uu   saxiixo Madaxweynaha JFS, isla markaana   lagu  soo  saaro  Faafinta  Rasmiga  ah ce Dawladda.

Goobjoog News, Lama Qaadan Karo Xigasho La’aan