U bood dhigaalka

Hirshabelle: Baarlamaanka Oo Sharci Dastuuri Ah Kasoo Saaraya Lacagta Shilin Soomaaliga

Sheeko:Dalka

Xilidhibaan Nuur Xaashi Warsame oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka maamula Hirshabelle ayaa sheegay in sharci dastuuri ah ay kasoo saari doonaan lacagta shilin Soomaaliga ah oo maalmihii dambe laga diidayey deegaanno kamid ah gobolkaasi.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka iney la hadleen maamulka Hiiraan, una sheegeen in tallaabo sharci ah ay ka qaadaan ganacsatada usoo jeestay iney shacabka dhibaan.

Waxa uu tilmaamay xildhibaanka in tiro xildhibaanno ah ay go’aan ku gaareen in sharci ay kasoo saarayaan lacagtaan ka maamul ahaan, islamarkaana inta ka horreysa awood loo adeegsan doono ganacsatada.

“Waan ka xunnahay waxa shacabkeenna haysta, waxaan idiin sheegayaa in sharci Dastuuri ah aan kasoo saareyno, inta ka horreysana maamulka Hiiraan ayaa laga doonayaa kuna amarnay in tallaab uu ka qaado ganacsatada, ganaax la saaro ganacsatada diidda lacagta” ayuu yiri xildhibaanka.

Ganacsatada gobolka Hiiraan ayaa dhowaan diiday qaadashada lacagta Shilin Soomaaliga ah, kadib markii ay sheegeen in lacag been abuur ah lasoo geliyey gobolkaasi.

Goobjoog News