U bood dhigaalka

Shabellaha Hoose: Caruur U Geeriyootay Sun Ay Hooyadood Siisay

Sheeko:Caafimaadka

Dhacdo dad badan ay aad u hadal hayaan ayaa habeenkii xalay ahayd ka dhacday deegaan 17-km dhanka bari kaga beegan ku dhow degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose, kadib markii hooyo ay dawo ahaan carruurteeda u siisey sunta lagula dagaallamo cayayaanka dhilqaha.

Aabaha dhalay carruurtan ayaa la sheegay in uu degmada Wanlaweyne ka iibiyey dawo u badan sharoobooyin si loo  siiyo ciyaalka oo xanuunsanaa, waxaana sidoo kale horey usii gatey suntan dhilqaha.

Cali Yusuf Aden, mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay Goobjoog News, in markii aabahan uu tagey hoygiisa uu ku amray hooyadii dhashay carruurta iney dawada siiso, balse iyadoo aan kala aqoon baa la sheegay in Saddex cunug oo ay dhashay siisey suntii meesha ku jirtey.

Labo ka mid ah carruurtii suntan cabay waa ay geeriyoodeen, halka mid kalena la sheegay in xaaladiisa ay aad u liidato.

Waa dhacdo ay dad badan ka naxeen, iyadoo Aabihii iyo hooyadii dhalay carruurtan illaa hadda uu hadal kasoo bixi la yahay, naxdinta awgeed.

Dadka ku sugan dhulalka baadiyaha ayaa u nugul in sidan oo kale u isticmaalaan sun, sababtuna waxay tahay iyadoo aan laga feejignaan suntan meelaha la dhigayo iyo in la eego dawada la qaadanayo.

Goobjoog News