U bood dhigaalka

Horumar Ballaaran Oo Dhanka Dhismaha Iyo Ganacsiga Ah Oo Ka Socda Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:War

Gaalkacyo waa magaalo madaxda gobolka Mudug waana magaalo in badan marti u noqotay dagaallo sokeeye oo ku soo noqnoqday,kuwaas oo keenay in bulsho faro badan ay ka barakacaan.

Hadda waxaa magaalada ka muuqda ifofaalo nabadeed waxayna dhanka horumarka la jaan qaadeysaa magaalooyinka kale,maadaama ay noqdeen bulshada ku dhaqan Gaalkacyo mudooyinkii dambe kuwo dhexda u xirtay sidii nabad u heli lahaayeen.

Magaalada ayaa waxaa laga hirgaliyay ururo dhallinyaro kuwaas oo ka shaqeeya is dhexgalka bulshada,sidoo kale waxaa laga hirgaliyey boolis isku dhaf ah kuwaas oo ka hortagayo in magaalada ay ka dhacaan dhibaatooyin la xiriira dhanka ammaanka.

Waxaa jira dhallinyaro ku dhiiratay inay ka qeyb qaataan horumarka magaaladooda waxayna magaalada ka hirgaliyeen goobo ganacsi oo casriya.

Daahir Maxamuud waxaa uu ka mid yahay dhallinyarada ku nool magaalada Gaalkacyo waxaa uuna magaalada ka hirgaliyey ganacsiyo ka qeyb qaadanaya horumarinta magaalada iyo abuurista shaqooyinka .

“Magaalada nabadeeda iyo xasiloonideeda aad ayey u wacantahay,waxaan ka mid ahaa dhallinyarada gobolkaan waxyaabo badana soo maray waxaan ku fakari jiray inaan magaalada ka hirgaliyo goobo ganacsi hadana waan ku guuleystay “.

Bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayaa hadda waxay yihiin kuwo u soo jeestay horumarka magaaladooda waxayna magaalada ka hirgaliyeen dhismayaal dhaadheer xarumo loo dalxiis tago kuwaas oo ka qeyb qaadanayo horumarka magaalada.

Cabdiraxmaan Cali Geedi oo ka tirsan wax garadka magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay in magaalada ay sameysay horumar wanaagsan bilihii ugu dambeeyay,waxaa uu tilmaamay in qurba joogta deegaanka ay qeyb ka qaateen horumarka magaalada iyaga oo ka hirgaliyay warshado iyo xarumo ganacsi.

“  Haddii aan ka waramo anigoo ku hadlaya magaca wax garadka gobolka Mudug horumarada ballaaran ee ka socda deegaannada gobolka Mudug aad ayey u balaaranyihiin,waad arkeysaa dabaqyada dhaadheer iyo ganacsiga tirade badan eek u soo kordhay magaalada Kaalkacyo”.

Magaalada Gaalkacyo ayaa hadda waabari cusub u dilaacay waxayna u soo jeesteen dadka ku dhaqan inay ka shaqeeyaan bilicda iyo horumarka magaalada,maadaama ay waayo badan la daala dhaceysay dagaallo sokeeye oo cuuryaamiyey magaalada.