U bood dhigaalka

Sh. Hoose: Dowladda Oo Wadda Howlgal Ka Dhan Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay iney wadaan howlgallo ballaaran oo ay ku baadigoobayaan dagaalyahanno ka tirsan ururka Al-shabaab.

Guddoomiyaha deegaankaasi Abukar C/laahi Isaaq oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in howlgalladooda ku wajahan yihiin sidii ay ula dagaallami lahayeen Al-shabaab iyo dadka dhigta jidgooyada ama isbaarada.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in wax badan ay iska bedaleen amniga guud ee Leego, haatanna howlgallada ay ka wadaan deegaannada ku dhow deegaankaasi.

“Ciidamada ammaanka dhexda ayeey xirteen, howlgallada waa kuwo qorsheysan, muddo badan ayeeyn socdeen, waxaan raadineynaa cid walbo oo shacabka dhibeysa, Shabaab iyo Isbaaro dhigte intaba, hadane duleedka Leego ayaan howlgallada ka wadnaa” ayuu yiri guddoomiyaha.

Deegaanno badan oo kamid ah gobolka Shabellaha Hoose waxaa ka jirta isbaarooyin ay dhigteen rag hubeysan kuna labisan dareeska ciidanka dowladda Federaalka ah.

Goobjoog News