U bood dhigaalka

“Human Rights Watch”oo Walaac ka Muujisay Dil loo gaystay sagaal kamid ah hogaamiyaasha Ikwaan Muslimiinta Masar.

Sheeko:Dalka

Haya’adda”Human Rights Watch” ayaa ka hadashay Dil loo gaystay sagaal kamid ah hogaamiyaasha Ikwaan Muslimiinta Masar, waxayna hay’addu ku tilmaantay dilkaas mid sharci darro ah.

Bishii aan soo dhaafnay ee July bilowgeedii ayaa waxaa la dilay 9 kamid ah hogaamiyayaasha Ururka  Ikhwaan Muslimiinka dalka Masar iyagoo ku jira Apartment  dadku dagan yahay kadibna ay ciidamadu kala baxeen goobtaa ay ku jireen iyagoo isla goobtii ku dilay .

Dad goobjoog ahaa ayaa ururka“Human Rights Watch”  u sheegay in hogaamiyayaashaa ciidanku kala baxay goobtii ay ku jireen , farana ay ka qaadeen , kadibna ay jirdileen ugu dambayna ay dileenba , laakiin waxay xukuumadda Masar ku andacootay in ay hogaamiyayaashaasi ay ku dhinteen  dagaal iyo xabad iswaydaari goobtaa ka dhacday intaan la dilin ka hor.

Ururku waxa uu  sheegey  inay diiwaan galiyeen kaalinta ay ciidanku ku leeyihiin dilalka  qarsoon , waxuunuu ururku ka codsaday xeer-ilaalinta dalka Masar  in baaritaan madax banaan laga furo dalkaas , dadka ku lug leh dilalkan qarsoonna  maxkamad la soo taago.

-Afhayeen u hadlay  kooxda Ikhwaanka oo la yiraahdo Max’ed Muntasir waxa  uu diiday wakhtigaa in dadka la dilay ay ahaayeen dad hubaysan sida ay xukuumaddu ku andacoonaysay isagoo la hadlayay Janalka Al-Jasira.

Waxa uu intaa kusii daray inay kamid ahaayeen dadkaa la dilay kooxda Ikhwaanka oo ah koox lagu daba jiro isla markaana ay xukuumaddu doonayso inay gumaaddo, waxayna ahaayeen hogaamiyayaashaa la dilay kuwo ka tashanayay sidii loo garab siin lahaa loona caawin lahaa qoysaska dadkii la dilay iyo kuwa kale ee gacanta dowladda ku jirta.

Dadkaa la dilayna waxaa kamid ahaa mudane hore ee Baarlamaaka Masar ka tirsanaa isla markaana ahaa Qareen   la oran jiray “Naasir Al Xaafi”, dadkii ugu badnaa ee ciidanku dilay waxay ahaayeen Qareenno iyo dhakhaatiir.

Kooxda Ikhwaanku bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen Dilalka Qarsoodiga ah ee lagu hayo hogaamiyayaashoodu haddii uu sii socoday in aanay gacmaha ka laaban doonin isla markaana  lagaari doono xilli carada dadka la dulmayo  aan la xakamayn karin.

Kooxda ayaa ka cabsi qabta in si garsoosida ah loo diro hogaamiyaashooda xabsiga ku jira uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi.