U bood dhigaalka

Ilaalada Madaxtooyada Magaalada Jiddah Oo La Dilay Kadib Weerar Hubeysan Oo Lagu Qaaday

Sheeko:Dalka

Madaxda Sacuudiga ayaa sheegay in labo askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka dalkaasi la dilay,ka dib markii uu nin hubeysan uu weerar ku qaaday aqalka madaxtooyada ee ku yaallo magaalada Jiddah.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga, ayaa waxaa lagu sheen in ninka weerarka geystay uu heystay dhalashada Sacuudiga, waxaa lagu magacaabaa Mansuur Al-caamiri 28 sano jirna ah.

Ninkaan ayaa rasaas ku furay bar coontarool oo ay joogeen ciidamada ilaalada boqorka, kuwaas oo ku sugnaa albaabka dhanka galbeed ee aqalka madaxtooyada Salaam.

Weerarka ayaa sidoo kale keenay inay dhaawacmaan sadded askari oo kale.

Wasaaradda waxaa ay sheegtay in ciidamada ammaanka ay u suurto gasho inay fashiliyaan weerarkaan iyaga oo dilay ninkii hubeysnaa.

Mas’uuliyadda weerarkaan ilaa iyo hadda cidna ma sheegan,balse Sacuudiga ayaa sheegay in weeraro badan ay fashiliyeen bilihii ugu dambeeyay ee la soo dhaafay.