U bood dhigaalka

Imaaraadka Carabta Oo Iska Fogeeyay Soomaalidii Lagu Dilay Xeebaha Yemen

Sheeko:Dalka

Sida ay qortay wakaaladda wararka imaaraadka ee (WAM), dalka Imaaraadka Carabta waxaa uu iska fogeeyey in ay bartilmaameedsandeen doonnida jimcihii dadka lagu dilay ee xeebaha Yemen.

Warbixintan waxaa ay sheegeysaa in Imaaraadku ogaadeen in Doonnida ay waddey dad rayid ah oo aanay shaqo ku laheyn wax military ah iyaga oo intaa raaciyay in Imaaraadka uu leeyahay sharciyo mamnuucaya in la bartilmaameedsado rayidka.

Imaaraadka Carabta, waxaa ay Xuutiyiinta ku eedeeyeen in ay duqeeyeen doonidaas, arrintaas oo aanay raacin wax caddeyn ah.

Xuutiyiinta dhankooda waxaa ay qaxootiga la dilay ku eedeeyeen diyaarada xulufada ee Sacuudiga uu hor-kacyo, mar haddii Sacuudiga iyo Imaaraadka iska fogeeyeen in Soomaalida dileen, waxaa weli taagan su’aasha ah: “Soomaaliya Qaxootiga Aheyd, Yaa Dilay?

Goobjoog News