U bood dhigaalka

Imaaraadka Carabta Oo La Wareegayo Dekadda Boosaaso, Saraakiil Puntland Ah Ayaa Xaqiijisay

Sheeko:Dalka

Maxamed Caydiid Jaamac oo ah gudoomiyaha rugta ganacsigaiyo warshadaha Puntland ayaa  Goobjoog News u xaqiijiyay  in dalka Imaaraadka lagu wareejinayo dekadda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Goobjoog News waxaa ay guddoomiyaha weydiisay, waxa uu ka la socdo in  in dekadda Boosaaso lagu wareejinayo Imaaraadka?

“Runtii, een wey jirtaa arrintaas, duruufta ka jirta dekadda Boosaaso waxaa ay keeneysaa in dekadda Boosaaso la ballaariyo, dekadda Boosaaso ma aheyn dekad konteennarada iyo alaabaha waaweyn ee yimaada ama Maraakiibta waaweyn ay ku soo xirato, duruufta waxaa ay saamaxeysaa, wixii aad adiga qabsan kartid in aad qabsato, wixii aad qaban karinna la raadsato cid kula qabata, si hor-u-marka iyo ganacsiga u sii jiro, si hor-u-marka u xoogeysto, mar haddii dhalinyarada badda isku daadinayaan, haddii dalka kaabayaashiisa la dhiso oo xoog yeeshaan, kumaamun baa ka shaqeynaya, kumaakumkaas waxaa ay sii biilayaan kumaakum kale, marka hor-u-kac iyo kobac dhaqaale ayaa ka dhalanaya”

Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntland waxaa uu ka hadlay ahmiyadda dekaddaas iyo guud ahaan Puntland u leedahay gobolka,

“Puntland waxaa ay ku taallaa meel istaraatiiji ah, waxaa ay ku taalla marinta ay maraan gaadiidka badda  ugu badan adduunka, waa geeska ugu kooneeya, dhinac waa badweyta Hindiya dhanka kalana Badda Cas, Marka waa marinka adduunka meesha uu maro”.

Mr. Maxamed Jamac Caydiid waxaa ku fogaaday sababta dalal uu Imaaraadka ku jiro muhiim ugu yahay gobolkan:

“Waxaa ay tahay meesha ugu dhaw wadamada Khaliijka sida Imaaraadka, Cummmaan Yemen iyo waddamo kale, fursadaha ganacsi ee ka jira awood ay leeyihiin, waxaa ay Puntland leedahay xoolo nool, Kalluun faro badan iyo xabkada oo dhaqaalo badan ka soo galo.”

Dhinaca kale, mar sii horreysay ayaa madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas la weydiiyay in saldhig siinayaan Imaaraadka, Gaas waxaa uu iska fogeeyay in Puntland Imaaraadka siineyso saldhig Militari, laakin waxaa uu qiray in ay jiraan tababarro ay Abu-Dhabi siiso ciidamada Puntlnad.

“Dowladda Imaaraadka, waxaa ay naga taageertaa tababarta ciidanka badda, wax qarsoonna ma aha, laakin saldhig militari oo imaaraad leeyahay oo Puntland ka jira ama nagala hadlay ama aanu rajeyneyo ma jirto”

Dekadda Boosaaso waa dekaddii labaad ee dalka Imaaraadka Carabta la wareegaan muddo lix(6) gudaheed ah,  August 9, 2016-kii waxaa Imaaraadkan si rasmi ah ula wareegeen dekadda Berbera ee Somaliland iyaga oo intaa kadib isla maamul-kaas gooni-u-goosadka ah ka saxiixday saldhig military oo ay ka sameystaan imaaraadka Airportiga magaalada Berbera.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya  weli kama hadlin heshiisyada Imaaraadka, waxaa jiro Mooshin ay wadaan Xildhibaannada golaha shacabka oo dowladda looga hadal siinayo, aqoon-yahanno iyo shacabka badan ayaa la yaaban damaca Imaaraadka ee Soomaaliya.

Goobjoog News