U bood dhigaalka

Imisaa La Diley ? Tirada Dadka La Diley Diseembar, 2014

Sheeko:Caalamka

imisaa la dileyAkhristayaasha sharafta leh waa mar kale iyo qormadeenii bilaha ahayd ee Imisaa La Diley, taasi oo aan kusoo bandhigeyney tirada dadka lagu diley dalka inta aan anagu diiwaangaliney.

Dhamaan dilalka aan soo bandhigney waa kuwa taariikh leh, meesha qofka lagu diley, magaciisa intii aan haleeli karnay, iyo qaabka loo diley iyo waliba waxa uu ahaa qofka la diley. Meelaha qaarkood waxaan ku xusney cidda dilka ka dambeysey intii aan ka warheyney.

Bishii Diseembar dadkii la diley aad ayay oga badnaayeen kuwii aan soo bandhigney bishii Nofeembar, 2014-ka. Bisha Diseembar waxaan diiwaangaliney dilka 111 qof oo siyaabo kala duwan loo diley.

Dadka la diley waxa ay sidii caadada ahayd isugu jiraan dad mas’uuliyiin ah, haween, ganacsato, culumo, shacab caadi ah iyo waliba nabad illaaliyeyaal.

Ka bogasho wacan

  1. Diseembar 3 , 2014: Ugu yaraan afar ruux oo uu ku jiro mid ka mid ah saraakiisha nabadsugidda dowladda Soomaaliya ka tirsan, ayaa ku dhintey qarax ismiidaamin ahaa oo lala beegsaday gaadiid ay lahayd Qaramada Midoobay oo marayay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
  2. Diseembar 4 , 2014: Haweeney lagu magacaabi jiray Xersiyo oo ganacsato ah ayey maleeshiyo ku dileen deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelada hoose.
  3. Diseembar 4, 2014: Xildhibaan Mayow Mustaf ayaa lagu dhaawacay weerar lagu qaaday gaarigiisa oo marayey degmada Xamarweyne, halka lagu dhaawacay xildhibaan hore Liibaan C/llaahi Nuur, kaasoo ka tirsanaa Baarlamaankii KMG ayaa halkaas ku dhintay, waxaa sidoo kale goobtaas ku dhintay labo qof oo kale.
  4. Diseembar 4, 2014: Qof beeraleey ah ayaa lagu dilay deegaan ka mid ah Shabeelaha Hoose: Oday deegaanka ah ayaa Goobjoog u sheegey in wiilka la dilay uu ahaa beeraley, islamarkaasina moos uu beertiisa ka goostey uu ku rartay gaari, kaasi oo dhiiqo ka galay, kadibna gaarigii oo dhiiriga laga bixinayo ay u tageen rag hubeysan, kuwaasi oo wixii ay heysteene ka dhacay, wiilkana dilay.
  5. Diseembar 5 , 2014: 15 qof ayaa lagu dilay, 20 kalana waa lagu dhaawacay qarax ka dhacay Baydhabo goob lagu Shaaho, dadka halkaas ku dhintay waxaa ka mid ah: Cabdulqaadir Axmed Mayoow ahaa wariye ka tirsan taleefishinka Somali Channel Television, Maxamed Isxaaq Barre oo ahaa Kaamariistaha u shaqeeya Kalsan TV, waxaa la dhaawacay Cabdiqaadir Xasan Jookar oo ah wariye ka tirsan Kalsan Television, Abdulkadir Hassan Iyeeyow oo ah Wariye Somali SAT Television iyo Maxamed Aadan Socdaal oo ka tirsan Dalsan Radio lagu dhaawacay.
  6. Diseembar 6 , 2014: Waxaa la dilay Guddoomiyaha Degmada Buurxakaba ee Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Maamow iyo Saraakiil la socotay,ka dib markii ay weerar ku qaadeen xilli ay ku safrayeen wadada u dhaxaysa Baydhabo iyo Muqdisho.
  7. Diseembar 6 , 2014: Labo Gabdhood oo ka tirsanaa ardayda Jaamacadda Plasma ayaa gaari nooca Booliiska ah ku jiiray agaagaarka Jaamacadda, Labo Gabdhood midna waa dhimatay, midna waa dhaawacantay.
  8. Diseembar 8 , 2014: Ganacsade Aweys Axmed Jiis oo caan ka ahaa Suuq Bacaad ayaa halkaas lagu dilay.
  9. Diseembar 10 , 2014: Al-shabaab ayaa gowracday labo Haween ah degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool, Ciidamada dowladda ayaa ugu aarguday dilka shan haween ah oo ay raggii Shabaabka ahaa qabeen.
  10. Diseembar 10 , 2014: Ibraahim Maxamuud Xaamud oo ahaa kusimaha Horjoogaha Jaamacadda SIMAD ayaa lagu dilay degmada Hodan.
  11. Diseembar 11 , 2014: Shuban iyo Matag ayaa kusoo booday dad ku dhaqan degmada Yaqshiid kadib markii ay cabbeen biyaha ceel sumeysan, taas oo keentay geerida 11 qof iyo in 100 ka badan oo Isbitaalka la dhigay.
  12. Diseembar 11 , 2014: Ciidamada AMISOM, ayaa waxay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen saddex nin oo ka tirsan dadka deegaanka, kadib markii si bareer ah ay rasaas ugu fureen, xilli ay goob isugu geeyeen dad fara badan, dadkaas ayaa la aasay maalintii xigtay iyadoo duugta ay kasoo qeyb galeen dad aad u careysan.
  13. Diseembar 12 , 2014: Cumar Xasan oo ah taliyaha ciidamada deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelada Dhexe ayaa ku geeriyooday iska hor imaad dhex maray ciidamada dowladda iyo Maleeshiyaad goobta ku sugan.
  14. Diseembar 13 , 2014: Macalin dugsi oo lagu gowracay deegaanka Qandho oo 50 KM bari ka xigta Buulo Barde, Macalinka dugsi qur’aanka ee la gowracay ayaa la sheegay in lagu magacaabi jiray Macalin Maxamed Macalin Xuseen Cismaan.
  15. Diseembar 13 , 2014: Ciidamada AMISOM ayaa wiil gaari ku jiirsiiyey agagaarka Baar FIAT ee magaalada Muqdishu ama KM 0.
  16. Diseembar 13 , 2014: Maxamuud Cabdisataar Sheekh Muxyadin oo ah macalinka Kubadda Cagta ee degmada Dharkinley oo lagu dilay isla xaafaddaas.
  17. Diseembar 15 , 2014: Hooyo Soomaaliyeed, ayaa waxay gabar ay iyadu dhashay ku dishay xaafada Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, ka dib markii gabadhaasi la soo dalaaqay saddex goor oo xiriir ah. Gabadha, ayaa waxay dooneysay in markale ay ku laabato saygeedii, halka hooyada dhashayna ay u sheegtay inuu waqtiga dhamaaday.
  18. Diseembar 15 , 2014: Weerar ka dhacay deegaanka Xaraar-Daanyeer oo 20-km Galbeed kaga aadan degmada Laascaanood ayaa waxaa ku dhintay ruux rag ah, halka ay saddex qof oo midi dumar tahayna lagu dhaawacay. Qofka dhintay iyo saddexda uu dhaawucu soo gaaray ayay dableydu ku rasaaseeyeen gaari ay la socdeen oo kusii jeeday deegaanka Kala-baydh oo 30-km u jira Laascanood.
  19. Diseembar 16 , 2014: Sedex qof ayaa Dilal aargudasho loogu geystay koofurta Laascaanood, dilalkaan ayaa waxaa la sheegayaa in ay ka dambeysay kadib markii dabley hubaysan ay jidka u galeen gaari ay dad shacab ah saarnaayeen, halkaasi oo ay ku dileen Hal qof, sidoo kalena ay dhaawaceen dad kale oo gaariga saarnaa, islamarkiiba waxaa la sheegay in dabley kale oo doonaysa ninka la dilay iyo sidoo kale dadka la dhaawacay in ay u aargudaan ayaa iyaguna waxay dileen Laba qof kale oo shacab ah.
  20. Diseembar 19 , 2014: Askari ka tirsan Ciidanka Militariga ee Dowladda Soomaaliya, ayaa waxa uu laba ruux ku dilay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, iyadoo dhinaca kalana lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo askarigaasi.
  21. Diseembar 20 , 2014: Omar Hassan Dhiblawe iyo Qooje Ibrahim Farax ayaa lagu dilay xaafadda Black Sea, Magaalada Muqdishu, Labada nin ayaa la sheegay in ay ka shaqeynayeen nidaamka dariseynta.
  22. Diseembar 20 , 2014: Qarax ayaa ka dhashay goob lagu gubayay qashin magaalada Kismaayo, wuxuuna sababay dhimashada hal qof iyo dhaawacyo soo gaaray labo kale, waxaana qaraxu ahaa mid aad u xooggan oo laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada.
  23. Diseembar 21 , 2014: Guddoomiye ku xigeenkii labaad Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland Farxaan Cali Xaad ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay magaalada Galkacyo qeybteeda waqooyi.
  24. Diseembar 23 , 2014: Rag hubeysan ayaa toogasho ku dhaawacay Korneel Yaasiin Nuur Gaas Raadeer oo ka mid ah Aas Aasayaasha Maamulka Jubbaland, haatanna ka mid ah saraakiisha maamulkaasi. Laba Nin oo la sheegay in uu ku hubeysnaa qoriga AK-47 ayaa gudaha u galay Hotelka uu magaaladaasi ka deganaa Korneelka, iyaga oo rasaas ku furay.
  25. Diseembar 24 , 2014: Labo dhalinyaro ah ayaa lagu dilay meel 20 KM u jirta Garbahaarey, Gedo.
  26. Diseembar 25, 2014: Axmed Adan ayaa maleeshiyo aan la garaneyn ku dileen jidka warshadaha.
  27. Diseembar 25 , 2014: Weerar ay rag hubeysan ku qaadeen xarunta Midoowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ee Xalane, Muqdisho ayaa waxaa ku dhimatay wadarta 10 qof oo isugu jirey dadkii xaruntaasi ku jirey iyo kuwii weerarka qaaday.
  28. Diseembar 26 , 2014: Waxaa xeebta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose laga helay meydka haweeney ka tirsan dadka deegaanka, taasoo muddo saddex toddobaad ah laga weysanaa Magaalada, ka dib markii la sheegay inay qafaasheen dabley hubeysan.
  29. Diseembar 27 , 2014: Ugu yaraan 8 ruux ayaa ku dhimatay shil gaari oo galabta ka dhacay deegaanka Taree Disho, ee duleedka Magaalada Muqdisho, iyadoo toban kalana ay ku dhaawacantay. Shilka waxa uu ka dambeeyay markii ay isku dhaceen labo gaari oo caasi ah, middi waxa uu ka yimid Magaalada Muqdisho, halka midka kalana uu ka yimid Degmada Afgooye, waxayna isugu dhaceen afaafka hore ee goollada Kalkaal.
  30. Diseembar 27 , 2014: Maleeshiyaad ayaa dilay 5 qof oo rayid ah kaddib markii ay rasaas ku fureen gaari ay dad rayid ah saarnaayeen oo marayay gobolka Bakool. Wararka ayaa sheegaya in gaari xamuul ah oo ka yimid gobollada woqooyi ay maleeshiyaadku ku risaasaayeen waddada isku xirta Hiiraan iyo Bakool.
  31. Diseembar 27 , 2014: Shilal kala gaar gaar ah ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ugu yaraan 3 ruux ayaa ku geeriyootay , 18 ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay shilalkani.
  32. Diseembar 28 , 2014: Koox Hubaysan ayaa la sheegey in qof shacab ah ku dileen meel 30-km u jirta degmada Xarardheere ee gobalka Mudug.
  33. Diseembar 28, 2014: 7 qof oo la socdey gaari ayaa lagu laayay duleedka MagaaladaXudur ee Gobolka Bakool, xilli ay safar ahaayeen, kuna sii jeedeen Xarunta Gobolka Bakool ee Magaalada Xudur.
  34. Diseembar 29, 2014: Qofkii 8-daad ayaa Sadax maalmood gudahood lagu dilay deegaano hoos taga Xarardheere ee gobolka Mudug, dilalkan ayaa loo aaneeyay Aarsi qabiil.
  35. Diseembar 30, 2014: Koox hubaysan ayaa degmada Dharkeenleey gaar ahaan xaafadda Dabakaayo Madoow waxa ay ku dileen Gabar Ardayad ahayd, Maryan Axmed Boote ayaa dhawaan ka qalin jabisay mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaala magaalada Muqdisho.
  36. Diseembar 30, 2014: Dabley Hubeysan ayaa dilay Cumar Xasan Warshiikk kaasi oo lagu diley deegaanka Suuqbacaad, ee Muqdisho.
  37. Diseembar 30, 2014: Axmed Maxamed Goobe ayaa lagu dilay Suuq Bacaad ee magaalada Muqdishu.
  38. Diseembar 30, 2014: Darawal ayaa lagu dilay Xaafadda Sey Biano ee magaalada Muqdsihu.

Goobjoog News