U bood dhigaalka

Imise Dowladood Ayaa Maanta Gurmad Caafimaad Keenay Magaalada Muqdisho?

Sheeko:Caafimaadka

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa maanta kasoo degay dhowr diyaaradood oo shixnado dawo gurmad ah waday, kuwaasi oo loogu talogalay in wax loogu qabto shacabkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.

Dowladda Maraykanka ayaa diyaarad weyn kusoo qaadday gurmad dawo ah, waxaana lagu wareejiyey dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

mareykan

Dowladda Qatar ayaa iyana kamid ah dowladaha maanta magaalada Muqdisho keenay gurmadka dawada ah ee loogu talogalay in wax looga qabto xaaladda caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay qaraxii Sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

5

Waxay dowladdani gurmadkaan kusoo qaadday diyaarad nooca ciidanka ah oo aad u weyn, iyadoo ay la socdeen mas’uuliyiin kamid ah dowladdaasi.

Sidoo kale, dowladda Kenya ee aynu deriska nahay ayaa iyana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde waxay kasoo dejiyeen diyaarado yar yar oo shixnado dawo ah u waday dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.

kenya

Shalay ayeey ahayd markii dowladda Turkiga ay Muqdisho keentay dawo badan, sidoo kalena ay dalkeeda u qaaddey 35 ruux oo dhaawacyo halis ah qaba, si loo soo daweeyo.

turky

Dowladda Jabuuti ayaa iyana Muqdisho shalay usoo dirtay tiro dhaqaatiir ah, kuwaasi oo la shaqeyn doona dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee sida hagar la’aaanta ah ugu adeegaya dadkooda ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.

djiboutibvbvb

Goobjoog News