U bood dhigaalka

Imise Musharrax Ayaa Isku Diiwaangelisey Doorashada Madaxweynaha Galmudug?

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada madaxweyne ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay soo dhammaatay diiwaangelinta musharraxiinta u taagan xilkaasi.

xildhibaan Maxamed Xasan Geelle oo ah guddoomiyaha guddigan ayaa u sheegay Goobjoog News, iney is diiwaangeliyeen Saddex musharrax, kuwaasi oo uu sheegay iney ku tartami doonaan xilka madaxweyne ee Galmudug.

Musharriinta is diiwaangelisay ayuu ku kala sheegay magacyadooda, Axmed Ducaale Xaaf, C/qaadir Shirwac iyo Axmed Shariif.

“Waxaan u diyaar garoobeynaa jadwalka doorashada iyo shaqooyinkii inoo qornaa inta ka haray, waxaa is soo diiwaangeliyey Saddex musharrax, wey dhammaatay diiwaangelinta musharraxiinta” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn Xildhibaan Geelle ayaa sheegay in marnaba aysan dib uga dhici doonin waqtigii loo asteeyay iney dhacdo doorashada madaxweynaha ee maamulka Galmudug.

10-ka bishan April , 2017 waxaa lagu wadaa in magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug.

Goobjoog News