U bood dhigaalka

In Ka Badan 15 Qof Oo Ku Geeriyootey Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa maanta ka dhacay suuq ku yaalla xaafadda Kaawo godey, degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan ayaa sababay geerida in ka badan 15 qof oo shacab u badan iyo dhaawaca 60 kale, sida ay soo sheegayaan wariyeyaal ka tirsan Goobjoog News oo halkaais gaaray.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay in la dhigay halkaasi oo shacab badan u dukaameysi tagaan, iyadoo weli maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha amniga aaney faah faahin dheeraad ah ka bixin qaraxaasi.

Dadka ku dhaawacmay qaraxan ayaa loola cararay isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News