U bood dhigaalka

In Ka Badan 50 Carruur Ah Oo Nafaqo Darri Darteed Loo Dhigay Isbitaalka Banaadir

Sheeko:Dalka

Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir waxaa saacadihii lasoo dhaafay la gaarsiiyey tiro ka badan 50 carruur ah oo nafaqo darri hayso, waxaana qaarkood laga keenay degmooyinka gobolka Banaadir iyo deegaannada magaalada Muyqdisho ku dhow.

Qaar kamid ah waalidiinta carruurtan oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in maalmo badan ay carruurtooda xanuunsanayeen, islamarkaana markii ay Isbitaalka geeyeen loo sheegay in Nafaqo darri ay hayso.

Dr. Aweys oo kamid ah dhaqaatiirta Isbitaalka Banaadir ayaa inoo sheegay in sanadkaan ay diiwaangeliyeen tiro badan oo carruur iyo dad waaweyn isugu jira oo nafaqo darri soo ridatay kuwaasi oo xaaladooda lala tacaalayo.

Waxa uu sheegay Dr-ka in sababta ugu weyn ee nafaqo darridan ay tahay abaarta baahsan ee dalka ka jirta, iyadoo laga baqayo in dad kale kale ay sidan oo kale usoo ridato nafaqa darrida.

Guud ahaan dalka waxaa ka jirta abaar saameysay dadka iyo duunyada, gobollada qaarna waxaa ka dilaacay cudurka shuban biyoodka.

Goobjoog News