Workshop ay soo qabanqaabiyeen ururka dhaqdhaqaaqa haweenka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano WOJA ayaa maantay lagu qabtay hotelka barakaad ee magalada Neyrobi.
Workshopkan oo lagu baranayey doorka haweenka suxufiyiinta Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan nabada ayaa wuxuu ahaa mid u dhacay sidii loogu talo galay ayadoo ay casharro ka bixinayeen macalimiinta kala ah C/qaadir Maxamed Cusmaan (C/qaadir Barnaamij ) iyo C/llaahi Maxamed Xasan (c/laahi black) sidoo kale C/qaadir maxed mursal oo ahaa saxafi rugcadaa ku ah warbaahinta isla markaana ah madaxa wargeyska IRIN ayaa si fiican u sharxay saxaafadii hore iyo tan maantay farqiga u dhaxeeyo iyo weliba aas aaskii ururkii dhalinyarada ee syl.
Workshopkan oo ahaa midkii ugu horeeyey oo ay ku qabtaan magalada Neyrobi urur ay ku mideysan yihiin gabdho suxufiyiina ayaa waxaa loo qabtay 50 wariye oo isuga jira wiilal iyo gabdho kuwaasoo ahaa wariyaashii ka soo qaxay dalkooda hooyo dhibaato amaan dari awgeed dhanka kale waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin sarsare dhinaca saxaafadda oo ay ka mid ahaayeen cali muse cale , yusuf xasan ,axmed ugaas cali iyo ing.shaakir oo ka socdey novib iyo mas uuliyiin kale oo badan
Waxaa ugu horeyntii qudbad gaaban ku furtay agaasimaha xarunta talobixinta iyo shaqaaleeynta kalsan ing.ruqia osman oo mahadcelin iyo amaanba u soo jeedisey ururka wooja oo si weyn isugu howlay sidii gabdhaha suxufiyiinta soomaaliyeed ay xiligaan adag ugu shaqeyn u sii wadan lahaayeen mihnadooda shaqo iyagoo weliba aan joogin dalkoodii.
Sidoo kale waxaa qudbad gaaban oo ku saabsan ujeedooyinkii loo aasaasay ururkaan iyo howlaha uu ku jiro inuu qabto halkaas ka aqrisey xiriiriyahay ururka women journalists in action (woja) sahra maxud koronto sahra keyf oo sheegtay in ururku la aasaasay xili ay gabdhaha suxufiyiinta soomaaliyeed ay baahi aad weeyn u qabaan ineey ineey midoobaan isla markaana ay u baahan yihiin iney helaan shaqooyin maadaama ay ka soo qaxeen wadankoodii iyo tababaro ay xirfadooda kor ugu sii qaadaan.
Sidoo kale waxaa ka hadlay Abuukar sheeq axmed albadri oo la shaqeeya aljasiira ingilish iyo los angeles times wuxuu u mahadceliyey sida ay u dadaalayaan gabdhaha dhaqdhaqaaqa suxufiyiinta ee woja sheegayna qiimaha gabdhaha suxufiyiinta ah ay leeyihiin loona baahan yahay dadaalka ay wadaan iney sii laban laabaan.









Ugu danbeyntiina waxaa ka hadashey gudoomiyaha ururka woja fardowso sheq xasan kuriya oo sheegtay in uruka ay ku midoobeen 40 haween suxufiyiin soomaaliyeed oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisaba waxaana loo baahanyahay in ay midoobaan dhamaan gabdhaha suxufiyiinta soomaaliyeed ayna wada shaqeeyaan ururkana xubnaha aan wali ka mid noqon ay u banaantahay ayna ka soo qeybgali karaan ugu danbeyntiina waxeey u mahad celisey dhamaan ka soo qeybgalayaashii iyo qabanqaabiyaashii workshopkan.
Gabagabdii workshopkan ayaa waxaa ka soo baxay baaq ay gabdhaha dhaqdhaqaaqa suxufiyiinta u soo jeediyeen dhamaan garabyada isku haya arimaha somalia baaqaas oo ka koobnaa shan qodob ayaa u qornaa sidatan 1)waxaan aad uga xunahay xasuuqii arxan darrada ahaa ee lagula kacay hooyooyin soomaaliyeed oo ku hawlanaadib u soo celinta bilicdii caasimada soomaaliya ee muqdisho
2)waxaan aad uga xunahay xasuuqii loo geystey 50 shacab soomaaliyeed ah oo u badnaa haween danyar ah oo ka ganacsanayeye qudaarta
3)waxaan canbaareeyneeynaa falkasta oo lagu beegsanayo dadka soomaaliyeed gaar ahaan haweenka danyarta ah suxufiyiinta iyo shaqaalaha gargaarka.
4)waxaanu taageersanahay geedi socodka nabadda iyo dib u hishiisiinta soomaaliyeed gaar ahaan midka ka socda dalka jabuuti.
waxaan ku boorineeynaa dhamaan kooxaha siyaasadda soomaaliyeed gaar ahaan dowlada iyo mucaaradka in ay xaqdhowraan shacabka masaakiinta ah ee gacantooda ku baabaaya hana ogaadaanin lagu xisaabtamayo xadgudub kasta
workshopkan ayaa wuxuu ku soo gabagaboobey guud ahaan sidii loou talo galay
Ayaan Axmed Maxed Neyrobi Kenya





Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Markaad aqrinayso qoraalkaan waxaa dhici karta in aad ku jirto qol hagaagsan, isla markaana aadan qa...
“Our lives begin to end the day we become silent about things that matter.” Dr. Martin Luther ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...