Xudunta Khilaafka
C/laahi maadaama uu 30 sano kusoo jiray halgan isugu jiray cadaw gargaarsi, dil, shirqool, qaran dumis, dibindaabin islamarkaana waxa keli ah ee uu halgankaas ka doonayeyna ay ahayd in mar uun madaxweyne la yiraahdo, farta halkuu ku fiiqana la iskubuurto, amarkiisanna marna muran laga soo celin. Ma jiro ruux sawiran kara aragtidda uu C/laahi Yusuf dawladnimo ka qabo marka laga reebo Poll Pot kii "Khmer Rouge" madaxda ka ahaa . C/laahi waxaa dhib ku ah in cid kale masuuliyad iyo maamul leedahay, dad aan ehelkiisa ahayni ay arimiyaan.
Tani waxay marka kasta khilaaf joogta ah dhexdhigtaa isaga iyo cidii kale ee ay maamula wadaagaan, talona wax kuwada yeeshaan.
Khilaafka dhabta ah ee Nuur iyo C/laahi waa uu ka wayn yahay casilaada Maxamad Dheere, inkastoo uu Maxamad Dheere bilow u ahaa silsilad taxane ah taasoo C/laahi Yuusuf ku tegeysa. Khilaafka dhabta ahse wuxuu la xariiraa diidmada C/laahi ee Shirka Jabuuti. C/laahi waxaa laga sheegay inuu leeyahay Nuur wuxuu ku socdaa wadadii Xasan Abshir iyo Deeroow ay C/qaasim marsiiyeen. Wuxuu shaki wayn ka qabaa gudiga siyaasadda ee heerka qaran, kaasoo la siinayo awood uu C/laahi ka cabsi qabo in xukunkiisa ay meesha ka saarto. Waxaa la sheegay in kulankii isaga iyo Nuur Cade dhexmaray 07/08/08 uu handadaad hadalka ka bilaabay uguna hanjabay inuu xilka ka qaadayo ama xabsiga dhigayo hadii uusan amarkiisa fulin, Nuur wuxuu ugu jawaabay inuu C/laahi kala saaro markuu gurigiisa ka arriminayo iyo xiligii uu xukun iyo talo uu wax ku leeyahay wax ku qaadanayo, waxaa lagu kala tegey hanjabaad iyo isku goodin.
Xagee miisanku u dhacayaa
TFGdu waxay ku taaganyahay Taangiga Itoobiya iyo taageeradda beesha caalamka. Nuur Cade waxaa la hubaa inuu soo kordhiyey mid sedexaad taasoo ah tixgelinta ay shacbigu isaga u hayaan, gaar ahaan reer Muqdisho. Wararka xogta la xariira waxay sheegayaan in Nuur taageeradda beesha caalamka uu haysto. Itoobiyaanku waxay haatan ogaadeen in amarkoodu sidii hore u shaqaynin, taasoo ka dhalatay in uu C/laahi ka wardiiday, haatana ay kasoo horjeedaan, laakiin lama hubo in ay Nuur Cade taageersanyihiin, waxaase muhiim ah in Geedi oo ay doonayeen in xilka ku hayaan ay kari waayeen kadib markii Maraykanku arrinkaas ka gows adaygay, taasoo macnaheedu yahay, Itoobiyanka waxay ushoodu ka go'aysaa halkii Maraykanka udbaha dhigto.
Maalmaha soo socda waxaa Barlamaanka TFG da la keeni doonaa mooshino iska soo horjeeda kuwaaso qaarna C/laahi lagu eedaynayo kadibna codka loo qaadayo iyo mid kaloo Nuur Cade ka dhan ah. Wararka hoose waxay sheegaayaan in C/laahi dacwad lagu soo oogayo, taasoo la xariirta in xaalidiisa caafimaad aysan u saamaxaynin gudashadda hawlaha loo igmaday, waxaa la keeni doonaa recordkii dhakhtarkiisa, arrimahaasi beesha caalamka qaarkood kama lug marna. In c/laahi xilka laga qaado waxay u baahayntahay 2/3, taasoo u baahan dadaal badan sidii codkaa loo heli lahaa. Xitaa hadii aanan C/laahi xilka laga qaadin, talo gacan uguma jirto, sababtoo ah ma haysto taageeradda Itoobiya iyo tan beesha caalamka toona, shacabna waa hore ayey C/laahi isdaayeen. Waxaan sugnaa waa isreebreebka TFG da yaa ku rayn doona? Waa su’aal maalmaha soo socda ay kala saari doonaan.
Set as favorite
Bookmark
Hits: 1170
Trackback(0)
Comments (1)

Aniga ah wiil somali qurbo joog aanan fursd u heley i aan aadi wadankeyga hooyo 15 sano tas ay mas'uul ka yihiin hogaamiyo kooxed yada uu C/laahi yusuf number one ka yahay, hadaba mareykan ayey ku xeran tahey wax uu somali ka damacsan yahay somali dantooda maba yaqaananan parlamman cabdula diinaar waaye dan somaliyed hadey hayaan c/laahi ha ridaan isaga ayaaa nabada ka soo herjeeda lakin saan arko Nur cade ayey rido doonan taasna waa rajidee ugu denbeysey
1
report abuse
vote down
vote up
August 11, 2008
Votes: +1
Votes: +1
Write comment




Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Markaad aqrinayso qoraalkaan waxaa dhici karta in aad ku jirto qol hagaagsan, isla markaana aadan qa...
“Our lives begin to end the day we become silent about things that matter.” Dr. Martin Luther ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...