GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Thursday
Nov 20th
Home Maqaallada Soomaali Wacyi La’aanta Ummadeed: Sidee Xal loogu Heli Karaa?

Wacyi La’aanta Ummadeed: Sidee Xal loogu Heli Karaa?

E-mail Print PDF
Wacyi la’aantu waa cudur ku dhaca umad ama bulsho meel ku dhaqan, waxaana lagu ogaaday sooyaalka umadaha burburay in cudurkani halis ku yahay jiritaanka umadaha uu haleelo, igu danbayna sabab u noqdo burburkooda. Culimada ku xeeldheer cilmiga bulshada ayaa waxay mataaneeyaan cudurka qofka ku dhaca ee waalida iyo kan bulshooyinka ku dhaca ee wacyi darada umadnimo, waxayna doodoodu tahay in labadan cudur wadaagaan hal qeexitaan oo ah ”Qof ama bulsho ka dhacsan fahanka xaaladda ay ku nool yahiin iyo duruufaha ku xeeran”, taa oo ugu danbayntii dhaxalsiisa inay ku fashilmaan qaabkii ay ula jaanqaadi lahaayeen dunida ku heeran, waxaa intaa sii dheer in falalka ka dhaca umadaha wacyi daradu haayso, ay ka dhici karaan oo kaliya qof waalan. Waxayse ku kala duwan yahiin waalida qofka waxaa lagu ogaadaa shaybaarada xarumaha caafimaad, halka wacyi la’aantu lagu garto qiimayn cilmiyeeysan oo lagu sameeyo hab dhaqanka bulshadeed ee umadda.

Hadaba hadii umadi wacyi la’aan ekayso, waxaa u caado ah in fashalka iska leexiyaan oo ay u saariyaan awoodo kale iyo duulal aanan la garanayn maxaa yeelay ma hayaan wado kale oo ay  ku sharxaan hadii la waydiiyo mashaakilka haysta, mararka qaarna waxaaba dhacda inay fashalka u duwaan Ilaah (S W),  iyaga oo hadal ka dhigta in waxa ummada haysta yahay masiibo Ilaah u keenay, ayna tahay astaamahii akhiru-sabaankii. Sidoo kale waxay samaystaan tabab, xeelado iyo luqado ay uga baxsadaan xaaladda dhabta ah ee taagan, waxayna taa ka dhax muuqan kartaa dhinacyada siyaasadeed ee isku hayo talada Soomaaliya oo kale ah:-

1-Dowlado Ku-beel Gaar ah (1): ku dhawaaqid dowlado ku-beel gaar ah, waa tabtii ugu horeeysay oo ay Soomaalidu isku dayeen inay uga dabaashaan dhibaatada taagan, iyaga oo iska dhaadhicinaya si wacyi la’aani ku dheehantahay in xalka ummada Soomaaliyeed lagu yegleeli karo qabyaalad iyo kala ququbka ummada walaalaha ah, waxaana looga gol leeyahay in lagu quusiyo tiro yar oo Soomaalinimo wali ku danbayso, looguna diyaariyo gayiga Soomaaliyeed xaaladahii uu ku jiray qarniyadii gumaysiga iyo xilliyadii Itoobiya ku amar taaglayn jirtay Soomaaliya. Qorshaha qabiilaystayaasha oo ay ku taagan tahay dowlada ku-beel gaarka ah waxuu u gogol xaarayaa in Soomaaliya ku laabato gacanta Itoobiya, mana lahaan karto  ujeedo  kale oo intaa ka dheer.

2-Kooxo Imaarado doon ah: Magacan ayaa waxaan ugu yeerayaa kooxo wadaada ka mid ah, oo Soomaaliya intii ay dowlad la’aantu ahayd, ka sameeyay qaybo ka mid ah dhulka Soomaaliya waxa ay ugu yeereen “Imaarado Islaami ah”. Kooxdan ayaa iyaduna samaysatay xeelado ay uga fasax qaataan fahmida dhibaatada umadooda ku habsatay, hase ahaatee; qoorta gashaday xal u helidda Qadiyadaha haysto in ka badan bilyan muslimiin ah oo ku nool qaaradaha dunida. Kooxdan ayaanan waxba ka duwanayn kuwo hore, hadii aanu ku fiirino diiradda xal u raadinta Soomaaliya, oo hadii aan hanka qabiilaystaha ku dhaliilnay inuu yahay mid ka hooseeya himilada ummadnimo , kuwana waxaan ku dhaliilaynaa hankoodu aan xuduuda lahayn, ee aan la gaari Karin,  isla markaana ka dhacsan aqrinta dunida aynu maanta joogno.

Luqadda: Ujeedada aan uga golleeyahay luqada,  ayaa ah in luqaddu tahay qaab kooxaha siyaasadda isku hayo mid walba uga dhuumato xaaladda murugsan ee ay abuurtay, kuna qurxiso  falalka fooshaxun ee ay  maalin walba kula kacaan shacabka Soomaaliyeed, waxayna koox walba ku guda-jirtaa qorista  qaamuus cusub oo luqadeed. qalabka isgaarsiinta ayaanu ka helnay qaar kamid ah eray’bixino cusub oo ay ku soo biiriyeen luqada Soomaaliga:

Qaamuuska Ku-beel Gaar ka :

Dowladda ku-beel gaarka ah: Dowladda Ku-meel Gaarka ah

Dabo’dhilif: Wadani

Qalqal abuurid: Amaan sugid

Gumaad shacab: Sifayn argagixiso

Taliyaha nabad sugudda: Taliyaha colaad ogidda

Ciidamada gumaysiga: ciidamada walaalaha aynu nahay

Duqa magaalada:Taliyaha howl’gallada Ciidamada

Gaajaynta shacabka: ku dadaalista caafimaadkooda shacabka.

 

Qaamuuska Imaarado Doonka:

Baaba’a shacabka: Astaan guul.

Jabka: Xeelad dagaal.

Xaaladda oo ka sii darta: Guusha oo soo dhawaato

Aqoonyahan: Gaalo raac.

Wadani: Cilmaani

Heesta calanka: ficil shaydaan

Calanka Soomaaliya: Maro labo yaardi ah.

Afawarki: Najaashiga qarniga 21aad

Nin xukun raadis ah: Raadin xukun Ilaah.

Soomaalinimo: Bidcinimo

 

Hadaba sidee lagu gaari karaa wacyi umadnimo?

Wacyiga umadnimo oo soo laabto ayaa waxaa saldhig u noqon kara garashada dhaqanka siyaasadeed ee ay soo bandhigeen labada garab ee kor ku xusan iyo sida ay uga gabi’dhaceen fakarka umadnimo, taana ay keentay in ugu danbayntii ummada Soomaaliyeed galiyaan dabka dunida ka aloosan ee  “la dagaalanka Argagixisada”.

Waxaa jiro dad Soomaaliyeed oo xanbaarsan wacyi umadnimo hase ahaatee, dhibka haysto uu yahay in mid walba doodiisii iyo caqligiisii uu la fadiyo qolkiisa, isla markaana ay  noqotay kaalintiisa inuu daawado waxa socdo,  kana faalloodo xaaladda isaga iyo ummadiisa lagu qasbay.

Wacyiga oo soo laabto waa ummadda oo gaarta heer ay tiraahdo “MAYA” labada qorshe ee looga dhuumanayo  waajihidda xaaladda dhabta ah ee taagan. “HAA” qorshayaasha danta umadnimo ku jirto, waxaana billaw u noqon kara in la sameeyo xarumo “Doodwadaag umadnimo” oo ay ku bahoobaan dhammaan dadka leh wacyiga umadeed, isla markaana lagu bisleeyo fakar aan ahayn  Ku-beel gaar doon iyo Imaarado doon  midna,  ee ah mid lagu bisleeynayo fakarka umadnimo doon ah.

Abuurista  “Dood wadaag umadnimo” ayaa dhagax-dhig u noqon kara soo laabasho  bulsho leh dhaqan wacyi umadeed, dibna u nooleeysa luqadda  lagu tuntay, iyaga oo soo celinaya anshaxii ay lahayd  luqadda Soomaaliyeed.  Doodwadaaga ayaa waxaa ka soo bixi kara luqad kawada dhaxeeyso ummada, taa oo ugu danbaytii keeni karto ummad isla garata  inay dhalato ummad “Dan-wadaag ummadnimo”. Xarumahan ayaa sidoo kale waxaa hubaal ah inay kasoo baxayaan hogaamiyayaal aqoon u leh heerka  umadooda marayso iyo sida ugu haboon ee ay uga soo dhalaali karo himilooyinka ummadanimo.

 

W/Q: C/raxiim C. Shaafici

This e-mail address is being protected from spambots, you need JavaScript enabled to view it

 

 

[1] “Dowlada-ku-beel gaarka ah” Waa Magaca aan u arko inuu ugu haboonyahay  Dowladda hada jirto,  maadaama lagu soo dhisay qabyaalad.

Trackback(0)
Comments (1)add comment
hassan adan: Wacyi La’aanta Ummadeed
Cabdiraxiim

Waa maqaal fiican hadii soomaalida dhan laga helayo, aniga koleeyba ma umaleeynaayo in kooxaha wadaadada ay fududahay in xididada loo siibo waxayna qaadani naf iyo waqti badan. qaamuuska waa mid ka tarjumayo xaalada taagan.

mahadsanidiin
1

report abuse
vote down
vote up
August 25, 2008
Votes: +0

Write comment
smaller | bigger

security image
Write the displayed characters


busy
 

Show Other Articles

Isbahaysiga Jabuuti oo Sinbiririxday!

Isbahaysiga Jabuuti oo Sinbiririxday! Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...

Waxaan ku Cunin waa la Cunaa

Waxaan ku Cunin waa la Cunaa Markaad aqrinayso qoraalkaan waxaa dhici karta in aad ku jirto qol hagaagsan, isla markaana aadan qa...

Fahanka Islaamka: Quraanka iyo Nabadda

Fahanka Islaamka: Quraanka iyo Nabadda Waxaynu bartamaha uga jirnaa bisha barakaysan ee Ramadaan, oo caan ku ah inay tahay  bishii la soo ...

IGAD and its patient – a political check up

IGAD and its patient – a political check up Somalia was discharged from Mbagathi Hospital after Somalis formed the Transitional Federal Institut...

Global Financial Meltdown: Black Monday and Bailout Plan

Global Financial Meltdown: Black Monday and Bailout Plan Credit crisis began 13 months ago in August 2007 when the growing payment mortgages deficit, put mil...

Finding the Way Out of Clan Cul-de-Sac

Finding the Way Out of Clan Cul-de-Sac “Our lives begin to end the day we become silent about things that matter.” Dr. Martin Luther ...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah