Wararka inaga soo gaaraya Xaafadda Zoobe ayaa sheegay in Maleeshiyada TFG-da ay ku dileen halkaasi Wiil dhalinyaro ah, isla markaana dadiisa lagu sheegay 16-jir iydoo wiilkaasina uu ku geeriyooday isla goobtii ay kudileen.
Wiilkaasi oo la sheegay in uu ahaa caseeye ayaa geeriyooday ka dib markii ay toogteen maleeshiyada TFG-da oo iyagu ka shakiyey ka dibna rasaaseeyey, sida uu sheegay mid kamid ah dadka goobjooga ahaa.
Meydka wiilkan ayaa waxaa goobta ka qaaday eheladiisa oo goobta soo gaaray, waxaana arrintan ay cabsi iyo argagaxba ku abuurtay dadkii ku sugnaa deegaanka KM-5 ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Maleeshiyooyin isugu jira kuwa TFG-da kuwa lagu soo tababaray Itoobiya iyo Itoobiyaanka waxaana ay soo qab qabteen illaa toban ruux oo isugu jira rag iyo dumar, waxaana gaar ka mid ah dadka ku dhaqan xaafadahaasi ay ku warameen in aysan garaneynin halka ay dadkaasi ciidamada ula dhaqaaqeen.
Ma ahan markii ugu horeeyay oo ay Maleeshiyada dowladda kudilaan dad rayid ah iyagoo horey ugu dilay xaafado kamid ah Mudisho qaar kamid ah dadka rayidka ah ee xaafadahaasi deganaa.





Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Markaad aqrinayso qoraalkaan waxaa dhici karta in aad ku jirto qol hagaagsan, isla markaana aadan qa...
“Our lives begin to end the day we become silent about things that matter.” Dr. Martin Luther ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...