Isbitalka Madiina ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa la gaarsiiyey illaa 15-ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan, iyadoo qaar ka mid ah dadkaasi ay xaaladoodu tahay mid aad u liidatay, sida ay xaqijiyeen qaar kamid ah kalkaaliyeyaasha Isbitaalada Muqdisho.
Saakay ayaa waxaa la gaarsiiyay 8-dhaawac isbitalka Magaalada Muqdisho gaar ahaan kan Madiina kuwaasi oo kusoo dhaawacmay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka kala dhacay Mudisho iyo Kismaayo.
Dhaahir Dheere oo ah agaasime kuxigeenka Isbitalka Madiina ayaa waxa uu sheegay Isbitalka in ay haatan jiifaan 115 ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba, isla markaana ay ku howlan yihiin sidii dadkaasi ula tacaali lahaayeen xaaladooda caafimaad, oo uu rajo wanaagsan ka muujiyey.
Arrimahan ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo ay dhowaan heshiis xabad joojin ah wada gaareen dowladda TFG-da ah iyo isbaheysiga dib u xoreynta dalka isla markaana waxaa wali soconaya dagaalo ay waxyeelada ugu badan kasoo gareyso shacabka aan ku lugta laheyn dagaaladaasi.
Set as favorite
Bookmark
Hits: 248
Trackback(0)
Comments (0)

Write comment




Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...
Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...
Markaad aqrinayso qoraalkaan waxaa dhici karta in aad ku jirto qol hagaagsan, isla markaana aadan qa...
“Our lives begin to end the day we become silent about things that matter.” Dr. Martin Luther ...
تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...
بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...